Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ka Tirsan Ee Ay Rajada Weyn Ka

Da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas oo uu qaab amaah ah kaga baxo suuqa dhawaan furmi doona ee bisha January.

William ayaa doonaya inuu heshiis amaah ah ugu laabto kooxdiisii hore ee St Etienne xilli ay sii socdaa dhibaatooyinka uu ku marayo Arsenal, 19 sano jirkaas ayay xagaagii 2019 lasoo saxeexatay Arsenal balse waxa hal xilli ciyaareed dib amaah loogu siiyay kooxda ree France.

Si kastaba, Mikel Arteta ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in dhawr sababood dartood uusan Saliba u lahayn khibrada iyo waxa uu uga baahnaa si uu kooxda fursad ugu siiyo.

Arteta ayaa mudo kahor gaadhay go’aanka adag ee ah inuu ka reebo liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb galaya UEFA Europe League isaga oo rajaynayay inuu amaah ugu bixi doono kooxaha Championship-ka ee heerka labaad ee England.

Laakiin wargeyska ree France ee But ayaa sheegaya in William Saliba uu iska diiday fursada uu koox heerka labaad ah ugu wareegi karayay.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in kooxdiisii hore ee St Etienne ay si aan guuleysan iskugu day day inay heshiis amaah ah ku qaadato maalintii ugu dambaysay suuqa.

Marka laga yimaado xaqiiqada ah inuusan wali wax fursad ah ka helin Mikel Arteta, warbixinta lagu daabacay il-wareedka But ayaa intaas ku daraysa in Saliba uu khaati ka taagan yahay macalinkiisa sidaas darteedna uu u doonayo inuu heshiis amaah ah kooxdiisii hore January ugu laabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More