Virgil van Dijk oo ka fal celiyay heshiis kordhinta Mohamed Salah

(Liverpool) 02 Luulyo 2022. Salah oo 30 jir ah, ayaa heshiis cusub u saxiixay Reds, kaasoo kooxda ku sii hayn doona illaa 2025, taasoo soo afjaraysa shakigii laga qabay mustaqbalkiisa.

Waxaa jirtay cabsi laga qabay in xiddiga reer Masar uu si xur ah uga tago xagaaga dambe ama uu ku dhaqaaqo suuqa hadda furan, Reds ayaa doonaysay in ayna bilaash ku lumin xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Masar ayaa haatan qalinka ku duugay heshiis cusub, waxaana saaxiibkiis Van Dijk uu u muuqdaa mid ku faraxsan heshiis kordhinta salah, asigoo kaga jawaabay bartiisa twitter-ka ayuu u hambalyeeyay saaxiibkiis, isagoo yiri: “Hawlgalkii wuu dhammaaday, hambalyo Mo.”

Weeraryahankii hore ee AS Roma ayaa u saftay Reds 254 kulan, isagoo u dhaliyay 156 , waxaana uu sameeyay 63 caawin, asigoo ku guuleystay UEFA Champions League, Premier League, FA Cup iyo Carabao Cup intii uu joogay Anfield.

Reds ayaa horray u lumisay Sadio Mane oo ku biiray kooxda heysata Bundesliga ee Bayern Munich, sidaas darteed waayida Salah waxay noqon laheyd dharbaaxo kale oo wayn.

Mohamed Salah ayaa qayb ka noqon doono weerarka cusub ee Liverpool, iyadoo weeraryahanka Uruguayan-ka ee Darwin Nunez oo ka yimid Benfica laga sugayo shaqo badan.

23-sano jirkaan Darwin Nunes lagu magacaabo ayaa liverpool ugu soo biiray heshiis rikoor ah oo gaaraya 85 milyan ginni, waxaana la filayaa inuu la xifaaltamo weeraryahanada dhexe ee ugu sareeya Premier League-ga. Nunez ayaa dhaliyay 34 41 kulan oo uu u saftay Benfica xilli ciyaareedkii hore, waxaana damac ka galay qaar ka mid ah kooxaha ugu sareeya Yurub oo ay ku jirto Manchester United.

Dhanka kale Klopp ayaa hore u haystay Luis Diaz, Diogo Jota iyo Roberto Firmino kuwaas oo ah dookhyadda kale ee weerarka. Salah hadda waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu khibradda badan Liverpool, taageereyaasha Reds ayaana ku riyaaqi kara heshiiska cusub ee mo.

Weeraryahankii hore ee Chelsea ayaa saameyn togan ku yeelan kara weeraryahanada da’ada yar ee jooga kooxda Merseyside.

Reds ayaa isku dayi doonta in ay tartan kale oo horyaalka ah sii gali doonta xilli ciyaareedka soo socda, iyagoo xilli ciyaareedkii horray ku dhawaatay inay ku guuleystaan horyaalka.

Wiilasha Klopp ayaa u suurtagashay in ay kooxda Pep Guardiola gaarsiiyaan maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyaga oo hal dhibic kaliya looga qaaday horyaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More