“Van Dijk Cadaab Ayuu Gelayaa, Laakiin Haddii Ilaahay

Khadka dhexe ee Liverpool iyo xulka qaranka Netherlands ee Georginio Wijnaldum ayaa ka hadlay dhaawaca saaxiibkiisa kooxda iyo xulkaba ee Virgil van Dijk oo xili ciyaareedkan oo dhan dhaawac kaga maqnaan doona garoomada.

Van Dijk ayaa waxa xataa shaki laga gelinayaa inuu ciyaari doono tartanka Euro 2020 oo sannadka dambe laga dhigay, waxaanay taasi dhibaato ku tahay qarankiisa oo Koobkii Adduunka ee 2018 aan ka qayb-gelin.

Georginio Wijnaldum oo ka hadlayay dhaawaca saaxiibkii ayaa sheegay in Virgil van Dijk uu ‘cadaabta gelayo’ oo uu dhaawaciisu dhibaato weyn yahay laakiin uu rajaynayo inuu garoomada kusoo laaban doono ka hor tartanka Euro 2020 ee badhtamaha sannadka dambe la qabanayo.

Wijnaldum oo ku maqan waddankiisa oo uu kala qayb-gelayo kulamada usbuucan iyo toddobaadka dambe ay iskaga hor iman doonaan Spain, Bosnia-Herzegovina iyo Poland, ayaa yidhi: “Virgil wuu soo laaban doonaa haddii Ilaahay ogolaado.

“Waqti adag ayuu ku jiraa; tani waa waxa ugu xun ee kugu dhici kara ciyaartoy ahaan. Waxaad geli kartaa cadaabta. Laakiin isagu wuu xooggan yahay. Mar walba waxaanu ku kulanaa baraha bulshada (FaceTime), waanu fiicnaanayaa.”

Inta badan qaramada ayaa ciyaari doona min saddex kulan muddada usbuuca iyo badhka ah ee soo socota, waxaanay taasi walaac ku haysaa tababareyaasha kooxaha oo ka baqaya in ciyaartoydu kaga soo dhaawacan.

Laakin Georginio Wijnaldum waxa uu sheegay in kaliya uu ku faraxsan yahay fursadda uu mar  kale ku metelayo qarankiisa, waxaanu yidhi: “Koox ahaan, ma haysatid damaanad in ciyaartoydaadu ay iyagoo taam ah soo laabanayaan.

“Waxaanu ciyaaraynaa saddex kulan oo caalami ah, waxaanay taasi qaadanaysaa tamar. Laakiin ciyaartoy ahaan, waxa kaliya oo aan ka fikirayaa inay wanaagsan tahay inaan kulamo badan u ciyaaro kulka qaranka Dutch-ka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More