Ugu Horreyn Waxa Uu Layaabay Inay Chelsea Isaga Xiisaynayo Haatana

Da’yarka daafaca dhexe ee ree France ee Malang Sarr ayaa diyaar u ah xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Chelsea uu ku qaadanayo sanad kaddib markii uu kooxdaas si rasmi ah ugu soo biiray.

Sarr oo 22 sano jir ah ayaa koox la’aan noqday isla markii uu ka dhacay heshiiskii uu ku joogay kooxdiisii carruurnimo ee Nice iyadoo wakhtigaas la kansalay horyaalka Ligue 1 sababo la xidhiidha xanuunka Korona Fayras dartood.

Chelsea oo xagaagii hore samaysay saxeexyo badan halka kooxo badani ay sababta Korona Fayras u hakiyeen saxeexyo ay sameeyaan ayaa ka faa’idaysatay isla markaana qaab bilaash ah kula wareegray Malang Sarr.

Sarr oo waraysi siiyay website-ka rasmiga ah ee Chelsea ayaa sheegay inuu aad ula yaabay markii loo sheegay inay Chelsea xiisaynayso sidoo kalena uu ku farxay.

“Iskay baan u tababaranayay, guriga ayaan ku tababaranayay kaliyana sugitaan ayaan ku jiray, ku dhawaad lix bilood ayaanan ciyaarin markii uu wakiilkaygu ii sheegay fursadan aan Chelsea ku imanayo, waan yaabay oo farxay”

“Fursad weyn ayay ii ahayd aniga, wuxuu igala hadlay (Wakiilku) inaan amaah ku baxo sanadka koowaad aniga ahaana waxay ahayd aragti wanaagsan, mudo dheer maan ciyaarin waxaan u baahnaa inaan helo joogtayn, inaan ciyaaro iyo inaan sidoo kale khibrad wanaagsan helo”

Sarr ayaan wixii uu filayay ka helin Porto maadaama oo uu kaliya shan kulan ugu soo bilawday xilli ciyaareedka oo dhan halka uu sidoo kale siddeed kulan metelay kooxdeeda da’yarta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More