UEFA Oo Ku Ciqaabtay Difaaca Chelsea Ee Reece James Falkii

Difaaca Chelsea iyo xulka qaranka England ee Reece James ayaa lagu soo rogay ganaax laba ciyaarood ah oo uu garoomada kaga maqnaan doono kaddib kaadhkii casaa ee uu ku qaatay garoonka Wembley.

UEFA ayaa ku xukuntay James aflagaaddo uu u geystay tababaraha reer Spain ee Jesus Gil Manzano bishii hore markii ay dhamaatay ciyaar dhex martay England iyo Denmark ooka tirsanayd tartanka UEFA Nations League.

Reece James ayaa naftiisa xakamayn kari waayey dhamaadkii ciyaartan, waxaana uu u tegay garsoore Jesus Gil Manzano oo uu ku yidhi hadallo aflagaaddo ah, sida ay shaacisay guddida anshaxaha UEFA, waxaanay ku abaal-mariyeen in laba ciyaarood uu dibedda ka ahaado.

Kulankan oo sidoo kale uu kaadh cas qaatay difaaca Manchester United ee Harry Maguire oo laba qalad oo dilaa ah sameeyey ayaa waxay uga dhigan tahay Gareth Southgate in aanu Khamiista berri kusoo dari doonin liiska ciyaartoygiisa James oo uu ka maqnaan doono kulamada UEFA Nations League ee Belgium iyo Iceland iyo sidoo kale ciyaarta saaxiibtinimo ee Republic of Ireland.

Warbaahinta ingiriiska ayaa waxay ku warrantay in tababare Southgate uu xulka ugu yeedhi doono laacibka Manchester City ee Phil Foden oo laga caydhiyey qaranka markii ay dhaqan xumo sameeyeen bishii September isaga iyo Mason Greenwood xilli ay ciyaartoyda qaranka kula sugnaayeen Iceland.

Southgate waxa dhaawac weyn ku ah in weeraryahanka Southampton ee Danny Ings aanu ka mid noqon doonin xulkiisa oo uu dhaawac lix toddobaad ah ku maqnaan doono.

Trent Alexander-Arnold, Kyle Walker iyo Kieran Trippier ayaa filaya inay ka mid noqon doonaan xulka, sidaas oo kalena Ben Chilwell, Wan-Bissaka ayaa iyagana ay boosaskoodu diyaarsan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More