TOP 20: Labaatankii Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Premier

Thierry Henry ayaa noqday weeraryahankii ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League tan iyo markii uu qaatay magacan sannadkii 1992kii.

Halyeyga Arsenal oo 258 kulan oo horyaalka Premier League ah oo uu u saftay Gunners u dhaliyey 175 gool, isla markaana caawiye ka noqday 74 gool oo kale oo ay saaxiibbadiisu dhaliyeen, ayaa kaalinta koowaad  ka galay liiska 20-ka weeraryahan ee ugu wanaagsanaa horyaalka.

Afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta sannadkii 2019 oo ay qabatay BBC Sport ayaa waxa 45 boqolkiiba dadkii codkooda dhiibtay, waxay isku raaceen Thierry Henry, halka ay tiro ciyaartooyo kale ahi qaybsadeen 55% kale ee codadka soo hadhay.

Afar sannadood ayuu ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka Premier League intii u dhaxaysay sannadihii 2001 illaa 2006 ka hor intii aanu uga wareegin Barcelona oo uu ku rumeeyey riyadiisii ahayd inuu ku guuleysto Champions League.

Gool-dhaliyihii xulka qaranka England ee Alan Shearer ayaa kaalinta labaad ee weeraryahanka ugu wanaagsanaa taariikhda Premier League galay, waxaana kaliya ka horreeya Thierry Henry.

Shearer ayaa horyaalka Premier League ka dhaliyey 260 gool, waxaana kaalinta saddexaad soo galay weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo 166 gool dhaliyey.

Waa kuwan 20-ka weeraryahan ee ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka Premier League:

20. Les Ferdinand

19. Ian Wright

18. Jamie Vardy

17. Ruud van Nistelrooy

16. Carlos Tevez

15. Fernando Torres

14. Luis Suarez

13. Gianfranco Zola

12. Robin van Persie

11. Robbie Fowler

10. Eric Cantona

9. Mo Salah

8. Didier Drogba

7. Andy Cole

6. Dennis Bergkamp

5. Wayne Rooney

4. Sergio Aguero

3. Harry Kane

2. Alan Shearer

1. Thierry Henry

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More