TOP 10: Tobanka Xiddig Ee Garabka Bidix Ee Weerarka Ee Ugu Wanaagsan

Tartankii qaramada Yurub ee dhowaanta dhamaaday, waxa uu ahaa mid ay isku muujiyeen laba ciyaartoy oo garabka bidix ee weerarka ka ciyaarayay oo wacdaro dhigay, waana Raheem Sterling oo England ah iyo Lorenzo Insigne oo Talyaani ah, kuwaas oo dalalkooda keenay finalkii oo uu Talyaanigu ku qaatay koobka.

Sterling iyo Insigne waxay dhaliyeen goolal qurux badan oo dalalkooda caawiyey, halka Eden Hazard uu isaguna kasoo laabtay dhaawac oo uu daqiiqado fiican qaatay ka hor intii aanu mar kale dhaawacmin.

Qiimayn lagu sameeyey tobanka ciyaartoy ee garabka weerarka ee ugu wanaagsan dunida, ayay saddexdan ciyaartoyba kusoo baxeen, kuwaas oo laga eegay dhinac kasta, sida gool-dhalinta, caawinta, tirada kubbadihii halista ahaa ee ay dhiibeen iyo xogta bandhiggoodii guud.

Shabakadda WhoScored oo samaysay qiimayntan ayaa waxa kaalinta u dambaysa ee tobnaad fadhiistay Eden Hazard oo xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ee LaLiga ahaa mid dhibaato badan oo uu dhaawacyo u jiifay.

Kulamadii horyaalka ee uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2020-21, waxay ahaayeen toddoba kaliya, waxaana uu haddana kusoo baxay liiska tobanka garab weerar ee ugu wanaagsan.

Lorenzo Insigne oo ka sokow wacdarihii uu ka dhigay tartanka Euro, xilli ciyaareed wanaagsan kusoo qaatay horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa kaalinta koowaad ku jira. 33 kulan oo uu saftay ayuu u dhaliyey kooxdiisa 19 gool iyo toddoba caawimood.

Halkan kaga bogo 10ka garab weerar ee ugu wanaagsan adduunka:

10 Eden Hazard

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

7 kulamadii uu ciyaaray0 gool ayuu dhaliyey1 caawin ayuu sameeyey0.5 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba1 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

9 Lucas Ocampos

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

30 kulamadii uu ciyaaray5 gool ayuu dhaliyey4 caawin ayuu sameeyey1 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba2 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

8 Kingsley Coman

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

23 kulamadii uu ciyaaray5 gool ayuu dhaliyey10 caawin ayuu sameeyey1.6 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba1.9 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

7 Jack Grealish

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

24 kulamadii uu ciyaaray6 gool ayuu dhaliyey10 caawin ayuu sameeyey3.1 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba2.5 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

6 Phil Foden

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

17 kulamadii uu ciyaaray9 gool ayuu dhaliyey5 caawin ayuu sameeyey1.3 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba1.4 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

5 Yannick Carrasco

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

25 kulamadii uu ciyaaray6 gool ayuu dhaliyey10 caawin ayuu sameeyey1.6 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba2.2 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

4 Sadio Mane

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

31 kulamadii uu ciyaaray11 gool ayuu dhaliyey7 caawin ayuu sameeyey1.7 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba2.3 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

3 Neymar Jr

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

15 kulamadii uu ciyaaray9 gool ayuu dhaliyey5 caawin ayuu sameeyey3.3 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba4.8 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

 

2 Raheem Sterling

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

28 kulamadii uu ciyaaray10 gool ayuu dhaliyey7 caawin ayuu sameeyey1.3 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba2.1 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

1 Lorenzo Insigne

Xogtiisa xilli ciyaareedkii 2020/21

33 kulamadii uu ciyaaray19 gool ayuu dhaliyey7 caawin ayuu sameeyey1.8 baas oo halis geliyey goolka kale ayuu dhiibay ciyaar walba1.9 goysmo ayuu sameeyey ciyaar walba

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More