TOP 10: Tobanka Garab Ee Weerarka Midig Ee Ugu Wanaagsan Adduunyada Oo

Qormooyin taxane ah ayaynu maalmahan soo wadnay, kuwaas oo ku saabsanaa tobanka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa boos walba. Qormadii ugu dambaysay waxaynu kusoo bandhignay tobanka laacib ee ugu wanaagsan garabka weerarka ee midig, waxaanay kala ahaayeen Eden Hazard, Lucas Ocampos, Kingsley Coman, Jack Grealish, Phil Foden, Yannick Carrasco, Sadio Mane, Neymar Jr, Raheem Sterling iyo Lorenzo Insigne, kuwaas oo lagu soo xulay bandhiggoodii xilli ciyaareedkii hore.

Ciyaaryahannadan looma eegin lugta ay ku ciyaaraan [Midig ama bidix], laakiin waxa kaliya oo laga eegay halka ay kooxahooda u istaagaan oo ah garab bidix.

Qiimayntan oo ay maalinba qayb soo saarto shabakadda qiimaynta iyo xog ururinta ciyaartoyda ee WhoScored oo sidoo kalena xulalka iyo kala-awood badnaanta kooxaha si xilliyeysan usoo bandhigta, ayaa waxa ay maanta soo saartay tobanka ciyaartoy ee garabka midig ee weerarka ee ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii hore.

Ciyaartoydan ayaa waxa qiimayntooda lagu salleeyey kulamadii horyaallada ee ay safteen, goolashii ay dhaliyeen, caawintii ay sameeyeen, baasaskii halista ahaa ee goolka noqday ama ku dhowaaday ee ay kulan kasta dhiibeen iyo xataa inta goysmo ee ay kulan kasta ka sameeyeen.

Si la mid ah ciyaartoyda sare ku xusan, laacibiintan hoose looma eegin lugta ay ku ciyaaraan inay tahay bidix ama midig, laakiin waxa kaliya ee laga fiiriyey booska ay kooxdooda uga ciyaaraan oo ah garabka midig.

Halkan kaga bogo xogta 10kii garab midig ee ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii hore:

10) Josip Ilicic

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

17 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay6 gool ayuu dhaliyey9 caawin/caawimood ayuu sameeyey2.2 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta2 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

9) James Rodriguez

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

21 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay6 gool ayuu dhaliyey4 caawin/caawimood ayuu sameeyey1.7 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta1.5 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

8) Leroy Sane

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

18 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay6 gool ayuu dhaliyey9 caawin/caawimood ayuu sameeyey1 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta1.9 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

7) Riyad Mahrez

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

23 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay9 gool ayuu dhaliyey6 caawin/caawimood ayuu sameeyey1.6 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta1.7 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

6) Ferran Torres

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

15 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay7 gool ayuu dhaliyey2 caawin/caawimood ayuu sameeyey0.8 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta0.8 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

5) Domenico Berardi

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

28 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay17 gool ayuu dhaliyey7 caawin/caawimood ayuu sameeyey1.9 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta1 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

4) Bernardo Silva

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

24 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay2 gool ayuu dhaliyey6 caawin/caawimood ayuu sameeyey1 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta1.6 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

3) Jadon Sancho

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

24 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay8 gool ayuu dhaliyey11 caawin/caawimood ayuu sameeyey2.6 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta3 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

2) Angel Di Maria

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

23 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay4 gool ayuu dhaliyey9 caawin/caawimood ayuu sameeyey2.6 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta1.5 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

1) Mohamed Salah

Xogta xilli-ciyaaareedkii 2020/21:

34 ciyaarood oo horyaalka ah ayuu saftay22 gool ayuu dhaliyey5 caawin/caawimood ayuu sameeyey1.5 baas oo sababay gool ama ku dhowaaday ayuu dhiibay kulan kasta1 goysmo ayuu sameeyey ciyaar kasta oo uu saftay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More