Toni Kross Oo Shaaciyay Xog Ku Saabsan Mustaqbalkiisa Real

Toni Kross ayaa go`aamiyay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid ka dib markii uu ka soo muuqday shirka jaraa`id ee ka horeeya kulanka ay habeen dambe la ciyaarayaan Mönchengladbach

- Advertisement -

Kulankaas ayaa ka tirsan wareegga labaad ee Group-yada Champion-ka waxa uuna ka dhacayaa garoonka kooxda reer Jarmal

“Waxaan mar waliba jeclahay in aan ku laabto Jarmalka balse run ahaantii halkaan ayaan ku raaxeystaa ” ayuu yiri Kross

“Dalabyo kala duwan ayaan helay balse waligeey kooxahaas lama aan hadlin waayo waxaan doonayaa in aan ciyaaraha uga fariisto Real Madrid” ayuu sii raaciyay Toni Kross

Korss ayaa horay dhowr koox uga soo ciyaaray Jarmalka waxaan ugu dambeysay kooxda Munich ka hor inta uusan Real u soo wareegin sanadkii 2014-ka

Waxa xusid mudan in hishiiska Kross ee Real uu dhacayop xagaaga 2023-ka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More