Toni Kroos Oo U Jawaabay Mason Mount Oo Sheegay In ‘Hurdo La’aani’ Ku

Xiddiga reer Germany ee Toni Kroos ayaa u jawaabay Mason Mount, waxaanu u sheegay in uu wali si fiican u seexdo inkasta oo kooxdiisa laga reebay Champions League.

Chelsea ayaa semi-finalka Champions League waxay ku garaacday Actual Madrid oo ay labadii lugood marna barbarro ku qabatay marna si xun u garaacday.

Toni Kroos oo ciyaartii Arbacadii ka hor la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in muddo 15 sannadood ah oo uu ciyaarayay aanay marnaba hurdo la’aani ku dhicin sabab la xidhiidha guul-darro kooxdiisa soo gaadhay.

Laakiin da’yarka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Mason Mount ayaa markii ay kooxdiisu karbaashtay Actual Madrid, waxa uu weeraray Kroos oo uu tilmaamay in hadda ay hurdo la’aani ku dhacayso kaddib guul-darrada xanuunka badan ee soo gaadhay kooxdiisa.

Mount ayaa yidhi: “Waxaan arkay mid ka mid ah ciyaartoydooda oo sheegay in aanay ciyaaartoydayadu ka joojin karaynin inuu seexdo, waxa laga yaabaa in hadda kooxdayadu ay ku ridday hurdo la’aan, waxa aanu dhalin karaynay in ka badan shan gool.”

Toni Kroos ayaa hadalkaas ka jawaabay, waxaana uu sheegay in iyadoo kooxdiisa shalay uun laga  badiyey, uu haddana si fiican u seexdo.

Kroos ayaa bartiisa bulshada ee Twitter-ka kusoo qoray: “Wali si fiican ayaan u seexanayaa, wax fiican ayaanad qabateen shalay. Hambalyo iyo nasiib wanaagsan finalkii kuugu horreeyey ee Champions League ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More