Toddobadii Ciyaartoy Ee Chelsea Ee Isku Qabsaday Xiddiga

2

Chelsea ayaa soo afjartay inkaartii ka haysatay kulamada ay tagto St. James’ Park ee ay Newcastle inta ugu badan guusha heli jirtay, waxaana Blues u suurtogashay inay saacado kooban ku negaato horyaalka Premier League iyadoo guul 2-0 ah kasoo gaadhay Magpies.

Frank Lampard ayay kooxdiisu sii wadataa guul-darro la’aanta oo ay kulankii toddobaad oo xidhiidh ah guulo ama barbarro ka heshay, waxaanay markan meel iska saareen Newcastle oo ay ku dhibaatoon jireen ciyaaraheeda.

Gool uu waqti hore iska dhaliyey Federico Fernandez ayaa Chelsea ay hoggaanka ku haysay illaa waqti dambe uu Timo Werner kubbad cajiib ah siinin Tammy Abraham oo isaguna goolka labaad u saxeexay.

Sean Longstaff ayaa birta u garaacay Chelsea oo ku dhowaaday inuu gool u saxeexo Newcastle waxyar kaddib goolka Abraham, waxaase ay ugu dambayntii natiijadu noqotay in Chelsea ay sii dheeraysatay rikoodhkeeda ah guushii shanaad oo xidhiidh ah iyo inaan laga badinin 12kii kulan ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada.

Xiddigii garoonka

Toddoba ciyaartoy oo Chelsea ah ayaa dhamaantood u sharraxnaa xiddiga garoonka maadaama ay qiimayn isku wada mid ah ka heleen ciyaarta.

Mendy, Rudiger, Zouma, Chilwell, Kante, Abraham iyo Werner ayaa qiimaynta ugu sarraysay kulanka ka sinnaa, waxaanay dhamaantood heleen darajada 8, laakiin xiddigaha kale ayaa iyaguna aan waxba ka hoosaynin oo helay darajada 7, sida James, Kovacic, Mount iyo Ziyech, waxaanay taasi caddaynaysaa in ciyaartoyda Chelsea ay dhamaantood wanaagsanaayeen, inkasta oo difaaca iyo goolhayuhu ay shaqo badan qabteen.

Laakiin xiddiga garoonka ayaa loo doortay Tammy Abraham oo goolka labaad ee Chelsea dhaliyey, sidoo kalena khatar badan ku hayay difaaca Newcastle.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Newcastle: Darlow (6), Fernandez (5), Lascelles (5), Clark (5), Manquillo (5), Hayden (5), S Longstaff (6), Lewis (5), Murphy (5), Saint-Maximin (6), Joelinton (5).

Beddelka: Schar (5), Almiron (6), Carroll (5).

Chelsea: Mendy (8), James (7), Rudiger (8), Zouma (8), Chilwell (8), Kante (8), Kovacic (7), Mount (7), Ziyech (7), Abraham (8), Werner (8).

Beddelka: Hudson-Odoi (6), Giroud (n/a), Emerson (n/a).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More