TOBBANKA Xiddig Ee Lacagta Ugu Badan Helay Sanadkan, Midka

4

Shabakadda France Football ee ka faaloota arrimaha badan ee kubadda cagta la xidhiidha sidoo kalena ah mida bixisa abaalmarinta caanka ah ee Ballon d’Or ayaa soo xulatay liiska tobbanka ciyaaryahan ee lacagta ugu badani usoo xarootay sanadkan u dambeeyay.

Liiskan ayuu kaga jiraa kaliya hal ciyaaryahan oo horyaalka Premier League rasmi ahaan uga tirsan oo aan amaah ku ahayn waana Raheem Sterling oo sidoo kale ah xiddiga kaliya ee English ah ee kusoo baxay.

Tobbankan xiddig ee France Football soo xulatay ayay lacag ahaan iskugu soo geysay mushaharaadkooda, gunnooyinka, lacagaha ay ganacsiyadooda ka helaan iyo ilo kale oo badan oo ay lacagi kasoo gasho.

Xiddiga ugu sarreeya ayaa ah kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo sida ay shabakaddu sheegayso sanadkii hore lacag 120 Milyan oo Pound ahi ay usoo xarootay.

Ciyaaryahanka booska labaad kusoo baxay ayaa ah Cristiano Ronaldo oo ay dhinac kasta ku loolamaan Messi waxaana uu sanadkan tagay lacag ahaan u qabtay 109 Milyan oo Pound isaga oo kaliya 11 Milyan oo Pound ka dambeeya Leo.

Booska saddexaad ayuu soo galay hormoodka Paris Saint-Germain ee Neymar Junior oo 87 Milyan oo Pound jeebka ku shubtay sanadkii tagay.

Kaalinta afraad ayuu soo xidhay Gareth Bale oo asal ahaan Real Madrid ka tirsan balse amaah ku jooga Tottenham, 31 sano jirkaas oo ayaa 35.45 Milyan Pound qabtay sanadkan tagay waxaana shanta sarre dhammaystiraya Antoine Greizmann oo ay 35.25 Milyan Pound usoo xaroodeen.

Liiska Oo Dhammaystiran

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More