TOBAN Ciyaartoy Oo PSG Oo Laga Soo Badbaadiyey Wiish Dab Ka

Toban ciyaartoy oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayuu la istaagay wiish ay saarnaayeen ka hor ciyaarta ay caawa la leeyihiin kooxda reer Germany ee RB Leipzig, waxaana si degdeg ah loogu wacay oo kasoo daad-gureeyey dab-demis halkaas ugu tegay.

Ciyaaryahanadda PSG oo deggan hotelka lagu magacaabo GrandHotel Handelshof ee magaalada Leipzig ee Jarmalka ayaa xalay 9kii fiidnimo waxay halis ku galeen wiishkii ay saarnaayeen ee hotelkan, kaddib markii uu dab ka kacay isla wiishkaas.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalku, toban ciyaartoy oo kasoo laabtay tababar ay kulankan iskugu diyaarinayeen ayaa wiish ay saarnaayeen oo ay ku tegayeen qolalkii ay degganaayeen uu dhexda la istaagay markii uu dab kacay.

Warku ma sheegin in wiish kaliya ay wada saarnaayeen ciyaartoydan iyo inay laba kala raaceen balse muuqaal uu bartiisa Instagram soo dhigay difaaca PSG ee Layvin Kurzawa ayaa waxa uu muujiyey kooxaha dab-demiska oo ka badbaadinaya wiishka, isla markaana ciyaartoydu markii ay soo baxeen ay kaabadaha hotelka miciinsadeen.

Ciyaaryahannadan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen: Presnel Kimpembe, Leandro Paredes, Angel Di Maria, Marquinhos, Bandiougou Fadiga, Abdou Diallo, Idrissa Gueye, Moise Kean, Colin Dagba iyo Kays Ruiz-Atil.

Presnel Kimpembe oo la hadlay wargeyska Le Parisien ayaa la weydiiyey sida xaalkiisu yahay, waxaanu yidhi: “Waa caadi.” Kaddibna inta uu qoslay ayuu ku daray: “Walaal caadi maaha.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More