Thomas Tuchel Oo Shaaciyay LABADA Xiddig Ee Manchester

Tababaraha kooxda kubadda cagta PSG ee Thomas Tuchel  ayaa ka hadlay kulanka ay caawa kula ballansan yihiin Manchester United oo ay ugu tegayaan Old Trafford, halkaas oo ay uga baahan yihiin inay guul ka keenaan si ay ugu gudbi karaan wareegga 16ka tartanka Champions.

United ayaa mar horeba sii shaqaysatay sagaal dhibcood, waxaanay kaliya u baahan tahay inay hal dhibic ka hesho kulankan si ay booskeeda wareegga xiga u diyaarsato, laakiin PSG ayaa macasalaamayn karta xili ciyaareedka haddii laga badiyo.

PSG ayaa hore usoo guuleysatay laba ciyaarood, waxaana laga badiyey laba kale, balse waxay ku jiraan kaalinta labaad ee Group H inkasta oo ay min lix dhibcood haystaan RB Liepzig oo caawa waajahaysa kooxda yar ee Istanbul Basaksehir.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisu ay qaab wanaagsan kusoo jirtay kulamadii ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, waxaana ay Axaddii guul soo laabasho ah ka gaadheen Southampton oo ay ku garaaceen 3-2, taasina waxay walaac ku haysaa Thomas Tuchel  oo ogsoon in ciyaartii hore ee ay Man United kula ciyaareen Parc des Prince ay la kulmeen guul-darro 2-1 ah oo uu Marcus Rashford waqti dambe ka dhaliyey goolka guusha.

Thomas Tuchel oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay xiddigaha Manchester United ee kooxdiisa dhibaatada badan u geysan kara caawa, waxaanu yidhi: “Labadii bandhig ee ugu dambeeyey ee uu sameeyey Rashford waxay ahaayeen kuwo cadho na gelinaya. Waa da’yar masuuliyaddiisa si wanaagsan u qaata gudaha iyo bannaanka garoonkaba. Saddex jeer ayaan la kulmay isagoo naga soo horjeeda, mar kasta oo aan la kulmayna wuxuu ahaa mid wanaagsan oo deggan.

“Waxaan jecelahay waxyaabaha badan ee uu kulmistay. Waa khatar weyn oo orod badan, wuxuu leeyahay awood uu goolal ku dhaliyo ama dhamaystir iyo inuu feejigan yahay.

“Waxa kale oo cajiib ah Fernandes sababtoo ah wuxuu saamayn badan ku leeyahay Manchester United laga bilaabo daqiiqadda koowaad.

“Mar walba wuxuu horumar ka samaynayaa dhinaca shaqsiyaddiisa, masuuliyaddiisana wuxuu ku gutaa garoonka dhexdiisa.”

Tuchel wuxuu xusay inay kooxdiisu isku dayi doonto inay xal u hesho Bruno Fernandes, waxaanu yidhi: “Waxaanu isku dayi doonaa inaanu xal u helno isaga. Wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda furaha ah laakiin kalidii maaha.”

Ugu dambayntii wuxuu ka hadlay Edinson Cavani oo ay iska soo fasaxeen xagaagii kaddibna Manchester United si bilaash ah kula soo saxeexatay, waxaanu yidhi: “Wuxuu ahaa mid cajiib ah qaybtii labaad ee kulankii SOuthampton. Wuxuu muujiyey tayadiisa iyo sida uu u feejigan yahay marka uu joogo xerada ganaaxa kooxda kasoo horjeedda, anigana layaab iguma ah.

“Isagana waa inaanu xal u helno, waana hubaal taasi.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More