Thomas Partey Oo Jamaahiirta Arsenal Tababarka Ku Tusay

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ahna saxeexoodii maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ee Thomas Partey ayaa tababarka kooxda ee kahor kulankooda Europe League ee caawa tababarka ku muujiyay waxyaabaha uu soo kordhin karo.

- Advertisement -

Tababare Mikel Arteta ayaa ka bixiyay qish in Thomas Partey uu kulankiisii ugu horreeyay caawa ugu soo bilaaban karo kooxda.

Partey ayaa bedel kusoo galay kana soo kacay keydka kulankii ay kooxdiisu guuldarrada kala soo kulantay Manchester City balse waxa uu markii ugu horreysay shaxda koowaad soo gali karaa ciyaarta caawa ee Rapid Vienna.

Partey ayaa tababar badan la sameeyay xiddigaha kooxdiisa isagoo helay fursad uu kula qabsado oo ka badan midii uu helay kahor kulankii Sky Blues ee Sabtidii.

Thomas ayaa talaabo ay jamaahiirta kooxdiisu ku farxeen qaaday intii uu socday tababarada ay iskugu diyaarinayaan kulanka caawa isaga oo xakameeyay kabtankiisa Pierre Emerick Aubameyang.

Aubameyang ayaa kulan yar oo xerada tababarka dhexdooda ku dhex maray xiddigaha Gunners baas ka helay Calum Chambers balse Thomas Partey ayaa gaadhay isaga oo gala soo hadhay kubadda una dhiibtay David Luiz.

Arrinta soo jiidashada leh ayaa ah inuu falcelin qosol ah sameeyay Aubameyang isaga oo la yaabanaa qaabka uu Partey ugala soo hadhay kubadda uu goolka kula socday.

Arsenal ayaa ololaheeda xilli ciyaareedkan ee Europe League caawa bilaabanaysa kahor inta aysan Emirates Stadium kusoo dhawayn Leicester City dhawaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More