Thiago Silva Oo Shaaciyey Hal Arrin Oo Walwal Ku Haysa

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa shaaciyey hal arrin oo walwal ku haya ciyaartoyda kooxdiisa Blues, isla markaana aan iyaga gacantooda ku jirin oo aanay xal u heli karayn.

Thiago Silva oo u duulay waddankiisa Brazil oo uu kala qayb-gelayo ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka, ayaa waxay Jimcaha la dheeli doonaan Venezuela, waxaana ugu xigi doonta Uruguay, iyadoo ay ciyaaryahanna ugu soo beegmeen xilli ay dersin ciyaartooyo ahi ka dhaawacan yihiin xulka Selecao.

Philippe Coutinho iyo Fabinho ayaa liiska dhaawaca kula biiray Neymar Jr, sidoo kalena Casemiro ayuu ku dhacay xanuunka Korona Fayras, waxaanay dhamaantood seegayaan kulamada muhiimka ah ee qarankoodu ugu dagaallamayo booskiisa tartanka Koobka Adduunka ee sannadka 2022.

Thiago Silva oo warbaahinta kula hadlay waddankiisa brazil ayaa sheegay inay arrimaha dhaawacyada iyo xanuunka u dheer tahay arrin kale oo ah inuu jiro jadwal cidhiidh ah, kaas oo walaac ku haya ciyaartoyda kooxdiisa Chelsea iyo xulkiisa Brazil intaba, waxaanu yidhi: “Waa inaanu si joogto ah nafahayaga u dardar-gelino. Ciyaartooyo ayaad ku waayaysaa sabab ah Covid-19ama kuwo kale oo dhaawac ah, sidaa darteed ciyaaro badan ayaanu dheelaynaa. Annagu ma nihin mishiino.

“Daraasado dhowaan la  sameeyey ayaynu ku aragnay inay aad suurtogal u tahay inaanu si sahlan u dhaawacno maadaama aanu ciyaarayno afar maalmood ama shan maalmood oo kasta hal mar. Waa waalad aad walwal noogu haysa.”

Dhinaca kale, Thiago Silva waxa uu ka hadlay farqiga u dhexeeya horyaalka Premier League iyo Ligue 1, waxaanu yidhi: “Labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey kaddib, waxa igu dhacay madax-xanuun badan sababtoo ah kubbado sarreeyey oo aan joogti lahayn iyo ciyaar orodkeedu sarreeyey.”

Ugu dambayntii waxa uu rajeeyey in dhowaan ay ka bixi doonaan garoomada madhan oo ay dib u heli doonaan taageerayaasha oo aan garoomada loo ogolaanin tan iyo bishii March.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More