“Ten Hag waxa uu wax weyn ka qabanayaa Man United” – De Gea – FM

(Manchester) 15 Luulyo 2022. hayaha kooxda Manchester United ee David de Gea ayaa sheegay in uu arkay waxyaabo aad u wanaagsan intii lagu jiray tababarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee uu hoggaaminayay tababaraha cusub ee Erik ten Hag.

Tababaraha reer Holland ee Erik ten Hag ayaa waayihiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda Manchester United, isagoo guul saaxiibtinimo iyo guul wayn kaga gaaray Liverpool 4-0.

Inkastoo kulammada diyaarinta aysan bixinin tilmaamo sax ah, De Gea ayaa ku adkeysanaya in Manchester United ay horumar ka sameysay hoggaanka Erik ten Hag.

haayaha reer Spain ee David de Gea ayaa u sheegay Manchester United TV:

“Tababaraha wuu garanayaa waxa uu doonayo, iyo qaabka aan u ciyaareynom wuxuuna rajeynayaa inaan raacno %100.”

“Waxa uu nasiiyaa xog badan iyo tafaasiil badan, waxana uu leeyahay sharciyo garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa ah.”

“Waxa aan u malaynayaa in ay taasi tahay waxa aan u baahanahay iyo sidoo kale in aan ogaano waxa ay tahay in aan garoonka ku samayno oo aan u ciyaarno koox ahaan.”

“Waxaan filayaa in kooxda oo dhan ay si adag u shaqeyneyso, waxaan sameynaa tababar aad u adag oo aan la sameyno tababaraha, waqti kaddib waxaan gaari doonaa yoolkeena.”

“Dhamaanteen waxaan diirada saarnay kubadda cagta, macalinkuna wuxuu sameynayaa waxyaabo waa weyn oo cajiib ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More