Telefishanka beIN Sports ayaa soo saaray jadwalka shaqo ee wariyeyaasha kulamada horyaallada Premier League, LaLiga iyo Serie A ku tabin doona luuqadda Carabiga.
Sabtida maanta iyo Axadda berri ayay jiraan kulamo adag oo Premier League ah, waxaana waqti hore oo maanta ah garoonka Amex Stadium ku ballansan Brighton iyo Liverpool, taas oo haddii ay kooxda tababare Jurgen Klopp badiso ay dib ugu laaban doonto hoggaanka horyaalka.
Laakiin Tottenham oo hadda hoggaanka haysa ayaa waxay Axadda berri u tegaysaa Chelsea oo ay garoonka Stamford Bridge marti ugu noqon doonto, waxaanu Jose Mourinho doonayaa inuu u garaaco sidii Manchester United iyo Manchester City oo kale, inkasta oo Frank Lampard uu isku habaystay koox adag oo meel walba ka dhisan. Natiijada ciyaartani waxay saamayn ku yeelan doontaa kaalmaha sare ee horyaalka Premier League.
Manchester United iyo Arsenal ayaa iyaguna Axadda kulamadoodu yihiin, balse waddanka Spain ayay kooxda koobka difaacanaysa ee Real Madrid oo labadii kulan ee ugu dambeeyey midna laga badiyey, midna barbarro gashay ay soo dhoweynaysaa Alaves, halka Barcelona ay Axadda oo waqti hore ah ciyaari doonto.
Maadaama badhtamaha usbuucan ay jiraan kulamada shanaad ee horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League oo Salaasada iyo Arbacada la ciyaari doono, waxay kooxaha waaweyni kulamadooda ciyaarayaan Sabtida iyo Axadda si ay firaaqo nasasho iyo safar ay galaanba isugu diyaariyaan Isniinta.
Telefishanka beIN Sports oo soo saaray jadwalka wariyeyaasha kulamada Sabtida iyo Axadda ee horyaallada ayaa waxa diyaar ah oo waqti horeba xogta kulamada ay qabanayaan sii diyaarsaday wariyeyaasha caanka ah ee codkooda la jecel yahay oo dhamaantood jooga.
Kulamada Sabtida
Brighton vs Liverpool – Xafiid Daraji
Sasoulo vs Inter Milan – Maxamed Barakaat
Manchester City vs Burnley – Khaliil Baluushi
Valencia vs Atletico Madrid – Cali Maxamed Cali
Benevento vs Juventus – Axmed Dayib
Everton vs Leeds United – Caadil Khalu
Real Madrid vs Alaves – Yuusuf Sayf
PSG vs Boudreaux – Jawaad Badah
Kulamada Axadda
Barcelona vs Osasuna – Xafiid Daraji
Southampton vs Manchester United – Maxamed Barakaat
AC Milan vs Fiorentina – Cusaam Shuwaali
Chelsea vs Tottenham – Rauf Khaliif
Arsenal vs Wolves – Khaliil Baluushi
Napoli vs Roma – Cali Maxamed Cali