Talyaaniga Oo U Gudbay Wareega 16ka, Turkey Oo Noqday Dalkii U

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee u gudbay wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay guuleysteen labadii kulan ee ugu horreeyey.

Talyaaniga ayaa 3-0 ku garaacay Switzerland oo ay ku martigeliyeen garoonka Olimpico ee magaalada Rome, halkaas oo ay Jimcihiina natiijadan oo kale kaga badiyeen Turkey oo caawa fiidkiina guul-darro kala kulmay Wales.

Laba gool oo uu dhaliyey laacibka khadka dhexe ee Manuel Locatelli iyo mid saddexaad oo uu ku daray Ciro Immobile ayaa Talyaaniga siiyey guul 3-0 ah oo ay ka gaadheen Switzerland, waxaase ka horreeyey gool kale oo uu dhaliyey difaaca ruug-caddaaga ah ee Giorgio Chiellini kaas oo markii ay dabbaal-degga dhamaysteen lagu wargeliyey in laga diiday.

Italy ayaa yeeshay lix dhibcood oo ay ku hoggaaminayaan Group A, waxaanay laba dhibcood ka horreeyaan Wales oo kaalinta  labaad ku jirta, laakiin waxay fursadda bixitaanka ka heleen Switzerland oo saddexaad ku jirta haysatana hal dhibic oo kaliya, taas oo xataan haddii ay soo badiso kulanka u hadhay kaliya soo qaban karta Wales ee aan Talyaaniga gaadhi karin.

Xulka afraad ee ku jira Group A ayaa ah Turkey oo caawa fiidkii xaqiiqsaday inay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee ka hadhay tartankan, kaddib guul-darro 2-0 ah oo ay kala kulmeen Wales.

Turkey ayaa waxa hore 3-0 ugu soo garaacay Talyaaniga kulankii furitaanka tartanka Euro 2020 ee Jimcihii, waxaana xataa haddii ay guuleystaan kulanka u hadhay ay kaliya yeelan karaan saddex dhibcood, taas oo ka dhigan in ay macalaameeyeen tartanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More