Tababare Rooney Oo Rajadii Kooxdiisa Derby Lugtiisa Ku Dilay, Dhaawaca

Tababaraha kooxda Derby County ee Wayne Rooney ayaa waxyeeleeyay mid kamida rajooyinka kaliya ee ay kooxdiisu lahayd kahor xilli ciyaareedka cusub ee 2021-22 kaddib markii uu dhaawacay da’yarka kooxdiisa ee Jason Knight.

Rooney ayaa inay heerka saddexaad u dhacdo ka badbaadiyay Derby County maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedkii hore waxaana jiray balan-qaadyo loo sameeyay oo kooxda  hore loogu dhaqaajinayo.

Kaddib xilli ciyaareed ay sameeyeen dhibaatooyin banaanka garoonka ah sida in kooxda maamule cusubi iibsanayo ayay Derby awooday inay Sheffield Wednesday maalintii ugu dambaysay bar-bardhac 3-3 ah la gasho sidaasna kusii joogto xilli ciyaareedka cusub.

Mulkiilayaasha cusub ee kooxda la wareegay ayaa la filayay inay gudaha suuqan taageeraan Rooney oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee dhammaystiran tababarenimo ku bilaabanaya balse taas ayaan ilaa haatan dhicin.

Kooxda ayaa la dhiban ciyaartoy la’aan waxaana uu Rooney sheegay inuusan garanayn waxa uu kusoo shirtagi doono kulanka furitaanka xilli ciyaareedka ee Huddersfield ay ballansan yihiin.

Nasiib darro xaalada ayaa intaas kasii xumaatay, wargeyska Daily Telegraph ayaa dhawaan shaaciyay in Rooney oo wakhtigiisii ciyaartoynimo caan ku ahaa ad-adayg dhinaca kubadda ahi uu si kama’ ah u dhaawacay mid kamida xiddigaha kooban ee uu haystay.

Rooney oo lagu qasbay inuu tababarka ka qayb-qaato maadaama oo ay ciyaartoy yaraani jirto ayaa dhaawacay Jason Knight oo 20 sano jir ah waxaana la filayaa inuu mudo saddex bilood ah garoomada kaga maqnaan doono dhaawac canqawga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More