TAARIIKH: Riyad Mahrez Oo Rikoodh Cusub Dhigay, Mid Kalena Ka

Xiddiga Manchester Metropolis ee Riyad Mahrez oo laba gool u dhaliyey kooxdiisa kulankii ay xalay ku garaaceen PSG ayaa dhigay rikoodh cusub, isagoo mid kale oo uu haystay Sadio Mane barbarreeyey.

Mahrez ayaa kooxdiisa u diray finalka tartanka Champions League oo markii ugu horreysay taariikhda ay gaadhay, waxaana Pep Guardiola iyo xiddigihiisu ay ku riyoonayaan in ay ugu dambayn kooxdan ku hoggaamiyaan Champions League oo aanay waligeed hore u qaadin.

Laba gool oo uu xalay saxeexay iyo mid uu toddobaadkii hore guusha ugu go’aamiyey kooxdiisa, ayaa Riyad Mahrez uga dhigan in uu saddex gool ka dhaliyey PSG, kalidiina ku filnaaday in uu noqdo dhaliya quusta  ka dhigay Neymar, Mbappe iyo xiddigaha kooxda reer France.

Goolasha uu xalay dhaliyey ayaa waxa Riyad Mahrez uu ku galay taariikhda diiwaannada kubadda cagta, waxaanu jabiyey rikoodhkii Yacine Brahimi ee gool-dhalinta Champions League, kaas oo hore u ahaa laacibka reer Algeria ee ugu goolasha badan Champions League.

Riyad Mahrez overtakes Yacine Brahimi to turn into Algeria’s high scorer within the historical past of the Champions League with 9 objectives. #MCIPSG

— Shina Oludare ?? (@sportingshina) Might 4, 2021

Yacine Brahimi oo dhaliyey siddeed gool ayuu toddobaadkii hore soo qabtay Mahrez, waxaanu ku dhaafay goolashiisii xalay, isagoo hadda ah ciyaartoyga reer Algeria ee ugu goolasha badan Champions League, waxaanu dhaliyey 10 gool.

Waxa kale oo uu Riyad Mahrez barbarreeyey rikoodh uu hore u haystay Radio Mane oo gool-dhalinta kulamada semi-finalka Champions League ah.

2 – Riyad Mahrez is just the second participant to attain in each legs of a Champions League semi-final tie for an English membership after Sadio Mané in 2017-18. Helpful.

— OptaJoe (@OptaJoe) Might 4, 2021

Laacibka Liverpool ee Sadio Mane ayaa hore u ahaa ciyaartoygii ugu horreeyey ee semi-finalka Champions League goolal ka dhaliya labada ciyaaroodba isagoo u dheelaya koox Ingiriiska ka  dhisan, waxaana soo qabtay Mahrez oo labadii ciyaarood ee PSG shabaqa soo taabtay, waxaanu sidaas ku galay taariikhda Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More