#Stéphanie Frappart ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreeysay ee noqota garsoore finalka kulan Koobka UEFA

18,214

Haweeneyda lagu magacaabo Stephanie Frappart ayaa dhex-dhexaadin doonta kulanka UEFA Super Cup ee u dhaxeeya kooxaha Liverpool iyo Chelsea sida uu maanta ku dhawaaqay xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA.

Tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay taariikhda ee koob UEFA ah ay garsoore ka noqoto qof haween ah, iyadoo kubadda cagta Yurub ay haatan ku soo badanayaan garsooreyaasha dumarka ah.

Waxa ay Stephanie Frappart u dhalatay Waddanka Faransiiska, waxaana kulankan koobka UEFA Super Cup oo ka dhacaya Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga caawiyeyaal u noqon doonta gabadhaha kala ah; Manuela Nicolosi iyo Michelle O’Neal.

Haweeneydaan garsooraha ah ee Stephanie Frappart ayaa garsoore ka ahayd final-kii koobkii adduunka dumarka ee bishii July ka dhacay Magaalada Lyon, kaasoo u dhexeeyey Waddanka Holland iyo Mareykanka.

Sidoo kale Frappart waxa ay dhex-dhexaadiye ka ahayd kulankii afar dhammaadka koobkii Euro 2017-kii ee dhexmaray xulalka Dumarka ee Holland iyo England.

Waxa ay haweeneydaani Frappart horay taariikh uga dhigtay gudaha dalka Faransiiska bishii April kaddib markii ay noqotay garsoorihii ugu horreeyey ee dumar ah oo dhex-dhexaadiya kulan horyaalka Ligue 1, waxaana ay garsoore ka ahayd kulan dhexmaray kooxaha Amiens iyo Strasbourg.

Garsoore Frappart ayaana loo dallacsiiyey inay garsoore joogto ah ka noqoto horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedka dhowaan bilaaban doona ee 2019-20.

14-ka bishaan aynu ku jirno ee Agoosto ayaa la ciyaari doonaa koobka UEFA Super Cup, kaasoo u dhexeeya kooxda hanatay tartanka Champions League ee Liverpool iyo kooxda Chelsea oo ku guuleystay koobka Europa League.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More