Solskjaer Oo Wadnaha Jaray Jamaahiirta Man United & Laba

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday war aan u wanaagsanayn dhagaha jamaahiirta kooxdiisa isaga oo xusay magacyada xiddigo muhiim ah oo ka maqnaanaya kulanka habeen dambe ee RB Leipzig.

Man United ayaa kulan guul ama geeri ah oo ay kaga hadhi karto CL u safraysa Germany habeen dambe, Solskjaer oo shirkiisa jaraa’id hadda qabtay ayaa sheegay in weeraryahanada Edinson Cavani iyo Anthony Martial ay wada maqnaan doonaan.

Martial iyo Cavani ayaa labaduba ku dhaawacmay kulankii Sabtidii ay kooxdoodu guusha 3-1 ka ah ee soo laabashada ah kasoo gaadhay West Ham United iyagoo bedel ku baxay.

Labadan dhaliye ayaa la filayay inay fursad u haysan doonaan ciyaarta Leipzig ee habeen dambe balse labaduba waxa ay ka maqnaan doonaan kulanka sida uu sheegay Solskjaer oo dhinaca kale xusay in Luke Shaw iyo David De Gea ay soo laabteen.

Ole Gunnar ayaa yidhi “David (De Gea) wuu kusoo laabtay socdaalka, Luke (Shaw) wuu nala safrayaa, Edinson iyo Anthony kaliya waxay qabaan dhaawacyo yar-yar balse ma safri doonaan”

Dhinaca kale Ole ayaa amaanay da’yarka Mason Greenwood oo kusoo bilaaban doona kulankaas xilli uu ciyaartii ugu dambaysay gool kasoo dhaliyay West Ham United.

“Mason waa weeraryahan aad u hibo badan, mid kamida kuwa ugu wanaagsan ee aan lasoo shaqeeyay” ayuu yidhi macalinka ree Norway.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More