Solskjaer Oo Beddelka Paul Pogba Ka Helay Bayern Munich & Xiddigii

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa nolosha iyo qaab ciyaareed wanaagsan oo ay muujiso kaddib Paul Pogba oo sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa galay, isla markaana shaki weyn la gelinayo in uu sii joogi doono Old Trafford.

Red Devils oo sannadkii 2016kii kasoo bixisay Pogba lacag dhan £89 milyan oo Gini, waxa uu xor ka noqon doonaa Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya, mana muuqato wax saansaan ah oo muujinaysa in uu sii joogayo.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa beddelka Paul Pogba waxa uu u doonayaa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee Leon Goretzka oo ay ku dagaallami doonaan Real Madrid oo iyaduna doonaysa in ay waliba si bilaash ah kula soo saxeexato sannadka dambe.

Leon Goretzka oo 26 jir ah ayaa ku jira xaaladda Paul Pogba oo kale, waxaana sannad kaddib uu xor ka noqon doonaa Munich, iyadoo ay dhowaanna burbureen wada-hadallo ay kooxda reer Germany ku doonaysay inay heshiis cusub kaga saxeexdo.

Laacibkan hore ee Schalke 04 ayay Manchester United rumaysan tahay, in ay ku riixi karayso Bayern Munich in ay ka iibiso xagaagan si ay uga baaqsato in uu si bilaash ah kaga tago sannad kaddib.

Tababaraha cusub ee Munich ee Julian Nagelsmann ayaa caddeeyey sida uu u doonayo in uu sii hayso Leon Goretzka oo uu u arko laf-dhabar ay la’aantii tamar-darro ku dhici doonto, laakiin waxa kaliya oo ay samayn karaan ayaa ah inay ka shaqeeyaan sidii ay ugu qancin lahaayeen inuu saxeexo qandaraas cusub iyo in ay kusii dhegsanaadaan sannadka u hadhay qandaraaskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More