Sir Alex Ferguson Oo Sheegay Go’aanka Kaliya Ee Lionel Messi La

Tababaraha halyeeyga ah ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa sheegay hal qoomamo oo uu wali ka qabo mudadii 27-ka sano ahayd ee uu macalinka kooxdaas usoo ahaa.

Barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo uu ka qaaday xiddigiisii hore ee Gary Neville ayuu ku sheegay Ferguson inuu wali ka qoomamoodo go’aan uu qaatay Final-kii UEFA Champions League ee sanadkii 2011 markaas oo kooxdiisa ay 3-1 uga adkaatay Barcelona.

Ferguson ayaa sheegay inuu ka qoomameeyo in Ji Sung Park uu u adeegsan waayay kulankaas inuu si gaar ah u raacdo Lionel Messi xilli uu halyeeyga ree South Korea ku sifeeyay mid kamida xiddigaha ugu fiican ee uu lasoo shaqeeyay.

Sir Alex ayaa yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlayay “Taasi waa halkii aan ku guuldarraystay Final-kii aanu kahor tagnay Barcelona ee Wembley”

“Waxay ahayd inaay isbedel sameeyo wakhtigii nasashada oo aan Park raaciyo Messi, kaasi waxa uu ahaa qalad…waxaan samaynayay wakhtigii nasashada kaddib waxaan idhi ‘Hagaag, hadda ayaanu bar-baraynay kahor wakhtiga nasashada, waxa laga yaabaa inay kulanka sidii hore si ka duwan u arkaan, waxa aga yaabaa inaanu kulanka sidii hore si ka fiican ugu korno”

“Waxaanu dhab ahaan ahayn kuwo aad u wanaagsan 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay qaybtii hore, waanu bar-baraynay hoggaankana waanu qaban karaynay”

“Laakiin haddii aan Park raacin lahaa Messi, waxaan filayaa inaanu garaaci lahayn iyaga, dhab ahaan sidaas ayaan filayaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More