Sidii Layaabka Lahayd Ee Juan Laporta Uu U Dhisay Barcelona,

Xilli ciyaareedka 2020/21 waxa uu ahaa mid ku adkaa Barcelona, laakiin waxay dib u heleen Joan Laporta oo ahaa madaxweyihii sida weyn u dhisay kooxdan.

Kaddib xilli ciyaareedkii oo hore ay bahdil iyo faro-madhnaan ku dhamaysteen, waxa ugu xigay sannadkan oo ay mar kale sidii oo kale ku idlaysteen inkasta oo ay markan heleen Copa del Rey oo woxoogaa xummad jabin uga noqonaya qalbi-jabkooda.

Joan Laporta oo bishii March bathroom doortay madaxweynaha Barcelona ayaa ballan-qaaday in uu dib usoo celinayo guulihii, sharaftii iyo sumcaddii ay kooxdu ku lahayd garoomada, iyadoo uu taageereyaasha dib u xasuusiyey wixii uu sameeyey sannadkii 2003 markii uu noqday madaxweynaha iyo guulihii ay wadeen illaa laga soo gaadhayay 2008 oo ahayd waqtigii uu ka degay xilka.

Markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha Barcelona ee 2003, go’aankii ugu weynaa uguna horreeyey ee uu gaadhay wuxuu ahaa in uu shaqada ka caydhiyey tababarihii waqtigaas ee Radomir Antic, kuna magacaabay Frank Rijkaard oo u qaaday Champions League sannadkii 2006 iyo koobab kale oo maxalli ahaa.

Laporta ayaa isla sannadkaas ku fashilmay in uu lasoo saxeexdo David Beckham oo uu si weyn u doonayay, ayna kaga guuleysatay Actual Madrid. Laakiin waxa uu sameeyey saxeexyadii dhalan-geddiyey guud ahaan kooxda  ee Ronaldinho, Quaesma, Rafael Marquez, Luis Garcia, Mario Rustu, Giovanni van Bronckhorst iyo Edgar David, kuwaas oo dhamaantood uu ku helay 42.5 milyan Euro oo kaliya.

Waxa kale oo uu qaaday tallaabo uu ku nadiifiyey kooxda, isagoo iibiyey Fabio Rochembach, Robert Enke, Frank de Boer, Philippe Christanval, Enrique Riquelme iyo Giovanni, halka uu go’aansaday in aanu heshiisyada u cusboonaysiin labadii laacib ee qandaraaskoodu dhacayay ee Gaizka Mendieta iyo Juan Pablo Sorin.

Suuqii jiilaalka ee xigay, waxa uu amaah ku bixiyey Roberto Bonano oo uu siiyey Actual Murcia, Dani Garcia oo bishii January uu fasaxay iyo Fernando Navarro oo uu amaah ku siiyey Albacete. Sidoo kale, ciyaartoydii da’da yarayd ee Robert Trashorras iyo Alfonso Perez ayaa uu fasaxay iyagoo ku biiray Actual Betis.

Hadda, Laporta ayaa dib usoo laabtay iyadoo xaaladda kooxdu adag tahay, waxaana la filayaa in go’aanka ugu horreeya uu ka qaato tababare Ronald Koeman oo la sheegayo in uu caydhin doono.

Sidii xilli ciyaareedkiisii koowaad ee 2003/04 oo kale, Barcelona waxay haysataa ciyaartooyo da’doodu weynaatay oo gabaabsi xirfaddoodu tahay oo waqtigan ay adag tahay in uu ka maarmo sida Gerard Pique iyo Sergio Busquets, laakiin shaqada ugu adag ee uu waajahayo ayaa waxay tahay, sidii uu Lionel Messi ugu qancin lahaa in uu sii joogo kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More