Sidee buu u arkaa Mason Mount in Chelsea ay heshay saxiixa Raheem

(London) 14 Luulyo 2022. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Mason Mount ayaa qirtay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka garab ciyaaro saaxiibkiisa England ee Raheem Sterling heer kooxeed.

Sterling ayaa fiidnimaddii xalay lavatory soo bandhigay saxaafadda kaddib markii uu dhameystiray heshiis 50 milyan ginni oo uu ugu wareegay kooxda galbeedka magaaladda London ee Chelsea

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa u duulay Los Angeles si uu ugu biiro saaxiibaddiisa cusub ee kusugan Mareykanka, iyadoo Mount uu si cad ugu faraxsanaa inuu saaxiibkiis kusoo biiro iyaga

Mount Oo la hadlayay Sky Sports News ayaa yiri: “Xiddig sare sida iska cad ciyaaryahan khibrad leh iyo xirfadle heer sare ah.”

“Nasiib ayaan ku lahaa inaan isaga la ciyaaro labadii sano ee la soo dhaafay oo aan la joogay England, halkaasoo uu mararka qaar kabtan ka ahaa.“

“Waa qof halkaas ku sugnaa muddo aad u dheer, waa ciyaaryahan sare, wax badanna waan ka bartay labadii sanno ee la soo dhaafay.”

“Isaga in uu nagu soo biiro waxa ay sare u qaadaysaa heerarkeena, dhab ahaantii waa qof u halgama heerar sare oo guuleysta. waxaana dooneynaa inaan sii wadno dadaalka. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko isaga oo garroon nagula jiro”

Waxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay: “Waa ciyaaryahan aan lacelin karrin marka uu kubadda jiidayo, waxaana hubaal ah inuu noqon doonaa hoggaamiye aan ku dayanno. Waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysan karno waxyaabaha qaar si wadajir ah.”

Sterling ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee Todd Boehly ee Stamford Bridge, inkastoo milkiilayaasha cusub ay sidoo kale bartilmaameedsanayaan xoojinta daafaca iyagoo kudhaw inay dhammaystiraan saxiixyadda Nathan AKe iyo kalidou Koulibaly.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More