Sidee Ayay Manchester Metropolis Ugu Dabbaal-degi Doontaa Horyaalka Maanta

Manchester Metropolis ayaa maanta ku guuleysan doonta horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League haddii Liverpool ay ka badiso Manchester United, waxaana Pep Guardiola iyo xiddigihiisa oo jooga guryahooda ay u dabbaal-degi doonaan hanashada koobka iyagoo garab ka helaya Liverpool.

Safarka Reds ay ku tegayso Outdated Trafford ee ay ku waajahayso United oo ku jirta kaalinta afraad, isla markaana 13 dhibcood ka dambaysa Metropolis oo shalay ka guuleysatay Crystal Palace, waxa natiijada kasoo baxdaa ay xaasaasi u tahay laba arrimood: Midda hore ayaa ah in Liverpool ay u baahan tahay saddexda dhibcood si ay ugu dhowaato Chelsea, ayna usoo noolayso rajadooda in kaalinta afraad ay soo geli karaan, iyagoo ku ducaysanaya in kulamada soo socda la qabto Chelsea iyo Leicester Metropolis; In Manchester Metropolis ay faa’iido heli doonto haddii Liverpool ay badiso, sababtoo ah waxay isla maanta noqon doontaa horyaalka oo ay u dabbaal-degi doonaan hanashadiisa iyadoo afar ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Arrin saddexaad ayaa meesha ku jirta oo ah, in guul ay gaadho Manchester United ay dib u dhigi doonto hanashada Metropolis ee horyaalka oo ay sugi doonto illaa ciyaarteeda dambe, taas oo haddii laga badiyana ay wali sii sugi doono kulanka sii xiga.

Kaddib guushii Man Metropolis ay gaadhay Crystal Palace, tababare Pep Guardiola iyo kooxdiisu waxay u baahan yihiin in kaliya laga badiyo ama la barbarreeyo Manchester United kulanka Liverpool ee maanta, si ay u xaqiijistaan horyaalnimadooda.

Afarta ciyaarood ee hadhsan ayaa haddii la isku geeyo waxa dhibcaha ugu badan ee United ay ka heli karto ay yihiin 12, haddii ay maanta lumiyaan laba dhibcood amaba saddexdaba, waxay ka dhigan tahay in hal dhibic ay ka dambayn doonaan Metropolis amaba ay la mid noqon doonaan iyagoo soo guuleystay kulamada u hadhay oo dhan.

Haddaba sidee ayay Manchester Metropolis maanta ugu dabbaal-degi doontaa hanashada horyaalka?

Tababare Pep Guardiola oo warbaahinta la hadlay shalay ayaa la weydiiyey su’aashan, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aanu bilaabaynaa in aanu ku fikirno in horyaalka aanu ku guuleysanay. Waxa aanu bilaabi karaynaa in aanu furno champagne (sharaabka/khamriga ay furtaan marka ay dabbaal-degayaan).”

Pep Guardiola ayaa sidoo kale la weydiiyey haddii uu daawan doono kulanka Manchester United iyo Liverpool, waxaanu yidhi: “Waan daawan doonaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More