Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Real Madrid vs Frankfurt ee

(Helsinki) 10 Agoosto 2022. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Real Madrid vs Frankfurt ee Final-ka UEFA Super Cup ayaa la shaaciyey

Kooxaha Real Madrid iyo Eintracht Frankfurt ayaa caawa kulanka final-ka ee UEFA Super Cup ku wada ciyaari doona Magaalada Helsinki ee Waddanka Finland.

Kooxda reer Spain ayaa caawa UEFA Super Cup ciyaaraysa maadaama ay ku soo guuleysatay tartanka UEFA Champions League markeedii 14-aad, markii ay 1-0 ku garaacday Liverpool.

Naadiga reer Jarmal ee Frankfurt ayaa dhankeeda heerkan UEFA Super Cup ku soo gaartay markii ay soo qaadday tartanka UEFA Europa League oo ay ku laadyo ama rigoorayaal uga qaadeen dhiggooda Rangers.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Real Madrid XI:  Courtois, Carvajal, Militão, Alaba, Mendy, Casemiro, Kroos, Modrić, Valverde, Vinícius, Benzema

Frankfurt XI: Trapp; Toure, Tuta, Ndicka; Knauff, Sow, Rode, Lenz; Kamada, Lindström; Borré.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More