Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United vs Leicester – Solskjaer Ciyaartooyo

Manchester United ayaa garoonkeeda Outdated Trafford waxay ku qaabbilaysaa Leicester Metropolis kulan la saadaalinayo in ay guul-darraysan doonto isla markaana horyaalka Premier League, taas oo haddii ay dhacdo ka caawin doonta Man Metropolis in ay horyaalka ku guuleysato, laakiin Man United ayaa ka dhiidhiyi doonta in ay qayb ka ciyaaraan guusha Metropolis.

United waxa kulankan dhaawac kaga maqan kabtankooda Harry Maguire oo Axaddii dhaawac soo gaadhay, waxaanu ku biiray liiska ay ku jireen saddexda laacib ee kale ee Daniel James, Anthony Martial iyo Phil Jones oo xilli ciyaareedka oo dhan maqnaa.

Leicester Metropolis waxa iyagana dhaawac kaga maqan Jonny Evans, Harvey Barnes, James Justin iyo Wes Morgan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankan kusoo galay ciyaartooyo da’yar iyo kayd iskugu jirta, waxaanu dhigtay dhamaan laacibiintiisa waaweyn.

Paul Pogba, Bruno Fernandes, Luke Shaw, Wan-Bissaka McTominay, Cavani, Rashford iyo Lindelof ayaa dhamaantood kaydka ku jira, halka uu Maguire dhaawac ku maqan yahay.

Diallo, Elang, Van de Beek, Mata, Matic, Williams, Telles, Greenwood iyo Tuanzebe ayaa  kusoo bilowday, taas  oo ka dhigan in Ole Gunnar Solskjaer uu guul-darro kusoo talo-galay ciyaartan.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea, Williams, Bailly, Tuanzebe, Telles, Matic, Mata, Van de Beek, Diallo, Elanga, Greenwood.

Kaydka: Henderson, Lindelof, Pogba, Cavani, Rashford, Fernandes, Shaw, Wan-Bissaka, McTominay.

LEICESTER XI: Schmeichel, Castagne, Fofana, Soyuncu, Albrighton, Ndidi, Tielemans, Thomas, Perez, Iheanacho, Vardy.

Kaydka: Ward, Maddison, Amartey, Choudhury, Pereira, Mendy, Praet, Fuchs, Maswanhise.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More