Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Ham United vs Man City –

2

Kooxda Manchester City oo uu hormood u yahay tababare Pep Guardiola ayaa booqanaysa West Ham United oo uu horkacato David Moyes isla markaana qaab ciyaareed wanaagsan kusoo jirtay guud ahaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.

City ayaa ciyaarteedii ugu dambaysay guul 1-0 ah kasoo gaadhay Arsenal oo marti u ahayd halka ay Hammers 12 daqiiqo hoggaan 3-0 ah kaga soo celiyeen Tottenham ciyaartoodii ugu dambaysay iyagoo 3-3 bar-bardhac kula soo galay.

West Ham United ayuu safkeeda gabi ahaanba ka maqan yahay mucjisada carbeed ee Said Benrahma oo ay amaah kusoo qaateen maalintii ugu dambaysay suuqa maxaliga ah ee England.

De Bruyne ayaa keydka ugu soo baxay Man City si lamid ah Foden iyo Torres waxaana safka weerarka ee Sky Blues ku midaysan Aguero, Mahrez iyo Sterling.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulankan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More