Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester United vs Istanbul

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa kooxdii guul-darrada 2-1 ugu soo xambaarisay waddanka Turkey ee Istanbul Basaksehir, waxaanu Ole Gunnar Solskjaer kala hor yimid shax adag oo uu kaga aargoosanayo, isla markaana ceebtii ciyaartaas kasoo gaadhay uu iskaga madhayo.

Edinson Cavani ayaa ciyaartiisii ugu horreysay ugu soo bilowday Manchester United, waxaanay is garab taagan yihiin Donny van de Beek oo isaguna khadka dhexe la wadaagaya Fred iyo Fernandes.

Paul Pogba ayaa gebi ahaanba aan ku jirin liiska ciyaartoyda Manchester United ee kusoo bilowday iyo kaydkaba, waxaana la sheegayaa inuu dhaawac yahay inkasta oo ay jiraan xurguf kale oo u dhaxaysay tababaraha.

David de Gea oo ciyaartii hore ee kooxdan kaydka fadhiyay ayaa beddelay Dean Henderson, balse waxa Maguire oo ahaa midkii canaanta ugu badan ku dhacday usoo laabtay oo ay isfahamkooda soo ceshanayaan Lindelof.

Marcus Rashford iyo Anthony Matial ayaa iyaguna kusoo bilowday, balse Greenwood iyo Ighalo ayaa rajaynaya inay kursiga kaydka kasoo kici doonaan qaybaha dambe ee ciyaarta haddii natiijada waqti hore la go’aamiyo.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Telles, Maguire, Lindelof, Fred, Van de Beek, Fernandes, Martial, Rashford, Cavani.

Kaydka: Grant, Henderson, Fosu-Mensah, Mengi, Tuanzebe, Williams, Mata, Matic, Pellistri, Greenwood, Ighalo.

Istanbul Basaksehir XI: Gunok, Rafael, Skrtel, Epureanu, Mbombo, Ozcan, Kahveci, Chadli, Turuc, Visca, Ba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More