Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Liverpool Kala Hortagi Doonto

Jurgen Klopp ayaa dib ugu soo dhaweyn doona shaxdiisa xiddigaha kala ah Thiago Alcantara, Sadio Mane iyo Joel Matip kulanka ay Liverpool berri oo Sabti ah u safreyso kooxda Everton.

- Advertisement -

Thiago iyo Mane ayaa seegay kulankii ay Reds guuldarada 7-2 ka soo gaartay Aston Villa ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.

Si kastaba, ka dib markii ay dhamesyteen labada nin karantiilkooda waxay dib ugu soo laabteen tababarka ka hor kulanka Goodison Park.

Waxay u badan tahay inuu shaxda kula soo biiri doono Jordan Henderson kaasoo ka soo kabsaday dhaawac muruqa bowdada ah islamarkaana kursiga keydka ee Villa Park fadhiyay.

Madaama uu England u ciyaaray kulamadii Belgium iyo Denmark, kabtanka ayaa diyaar u ah inuu ka qeyb qaato kulanka Merseyside Derby.

Matip ayaa sidoo kale ah wado u furan Klopp ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah, inkastoo aysan u badneyn inaan lagu soo bilaabi doonin madaama uusan ciyaarin in muddo ah.

Ka qeyb qaadashada kulanka berri ee Naby Keita ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii xiddiga reer Guinea laga helay Korona Fayras intii uu la soo joogay xulkiisa, iyadoo weli aan la shaacinin natiijada baaritaankii labaad ee la sameeyay.

Dhanka kale, Klopp ayaa go’aan adag ka gaari doona ka qeyb qaadashada kulanka berri ee xiddigaha reer Brazil Roberto Firmino iyo Fabinho kuwaasoo safar dheer kaga soo laabtay dalkooda.

Liverpoool waxaa weli dhaawac kaga maqan goolhaye Alisson iyadoo Adrian uu booskiisa sii buuxin doono.

Liverpool (4-3-3):Adrian; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Thiago, Henderson; Salah, Minamino, Mane.