Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Chelsea Kula ciyaarayso Kooxda

Kooxda Chelsea ayaa marti ku ah dalka France iyagoo booqanaya gegida kooxda Rennes ee Roazhon Park kulan ka tirsan wareega afraad ee UEFA Champions League gaar ahaan heerka Group-yada.

Chelsea oo u muuqatay mid jaanta isla heshay kulamadii ugu dambeeyay ayaa haatan hoggaanka u haysa Group-keeda iyagoo farqiga goolasha kaga sarreeya Sevilla waxaana ay doonayaan guul kale si ay ugu yaraan kaalintaas usii xejistaan.

Frank Lampard ayaa kulankan nasiimo u diray xiddigaha kala ah N’Golo Kante, Hakim Ziyech, Reece James isaga oo kusoo bilaabay Azpilicueta, Hudson-Odoi, Jorginho iyo Thiago Silva, sidoo kale Kai Havertz oo Korona Fayras kasoo kabtay ayaa keydka ku jira.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More