Shaxda Macquulka Ah Ee Man United Vs Watford –

Ole Gunnar Solskjær ayaa isbadal badan ku sameeyay shaxdiisa wuxuuna keensaday ciyaartooy nasiino loo siiyay oo ka maqnaa kulankii Old Trafford ee Watford

Manchester United oo laga reebay Carabao Cup isbuucii hore ayaan dooneyn inay seegto koobka FA Cup waxaana ka mid ah Jesse Lingard oo markii ugu dambeysay kooxda u ciyaaray bishii September iyo Donny van de Beek oo khadka dhexe ka ciyaara.

Juan Mata (Spain) ayaa hogaaminaya kooxda oo uu wehliyo Daniel James khadka dhexe, halka McTominay uu yahay awood xoogan oo lagu xisaabtami karo.

Eric Bailly, oo seegay ciyaartii Man City, ayaa daafaca ku soo bilaabay isaga iyo Alex Telles, Tuanzebe iyo William.

Weerarka waxaa bilaabay Mason Greenwood, laakiin Ighalo, oo aan muddo la arkin, ayaa kursiga keydka fariisan doona.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa keydka fadhiya David de Gea kulankii labaad oo isku xigta, Matic, Fred, Fernandes, Martic, Maguire iyo Wan Bissaka ayaa sidoo kale ka maqan, halka Paul Pogba uu gabi ahaanba maqan yahay.

Safka rasmiga ah ee Manchester United

XI XI: Henderson, Williams, Bailly, Tuanzebe, Telles, James, McTominay, Van de Beek, Mata, Lingard, Greenwood.

Kaydka: De Gea, Matic, Ighalo, Fred, Fernandes, Martial, Maguire, Wan Bissaka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More