Shaxda Adag Ee PSG Ay Dunida Ku Qabsan Doonto Kaddib Saxeexyada Ramos

Paris Saint-Germain ayaa sii wadda shaqo cajiib ah oo ay ka hayso suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaanay xaqiijisatay saxeexyo waaweyn oo bilaash ah oo uu ugu dambeeyey Sergio Ramos oo maanta si rasmi ah loogu soo bandhigay warbaahinta.

35 jirkan reer Spain ayaa qaab bilaash ah ugu wareegay PSG, iyadoo uu saxeexay heshiis laba sannadood ah, taas oo soo afjartay 16 sannadood oo uu u ciyaarayay Real Madrid.

Inkasta oo ay d’diisu tahay 35 jir, haddana Ramos ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan difaaca waqtigan, waxaanay PSG ka hor qaadday labada kooxood ee Ingiriiska ah ee Manchester United iyo Manchester City oo u bandhigay mushahar ka badan inta ay PSG siinayso, laakiin waxay iyagu doonayeen in kaliya hal sano uu u saxeexo.

Ramos ayaa labada sannadood ee soo socda waxa uu ka garab ciyaari doonaa Marquinhos, halka ay midoobi doonaan Neymar Jr oo waqtiyada qaarkood ay si weyn iskaga soo horjeedeen maadaama uu laacibka reer Brazil u ciyaari jiray Barcelona.

Waxa kale oo PSG si bilaash ah ula wareegtay laacibka khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum oo hoggaaminayay Netherlands tartanka qaramada Yurub, kaas oo isaguna uga yimid Liverpool.

Goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma ayaa isaguna soo raacaya raadkooda, waxaanu ka degayaa Parc des Princes marka uu dhamaado tartanka Euro ee ay finalka wada ciyaari doonaan Egnaldn.

22 jirkan ayaa si bilaash ah ugu wareegaya PSG sida Ramos iyo Wijnaldum oo kale, waxaana soo raacay Achraf Hakmi oo £54 milyan oo Gini ay kagala soo wareegeen Inter Milan. Waxa kale oo ay PSG xaqiijisatay saxeexa Danilo Pereira oo ay si rasmi ah ugala soo wareegtay FC Porto iyadoo ka bixisay £14 milyan oo Gini.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa haysta ciyaartooyo khubaro iyo da’yar iskugu jira oo uu dunida ku qabsan karo, waxaanu hammiga ugu weyn ee kooxdani yahay tartanka Champions League.

Halkan kaga bogo shaxda adag ee PSG ay ku ciyaari doonto: 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More