Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Ku Ciyaari Doonto Haddii

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Manchester United ayaa la sheegay inay xidhiidh la samaysay Mauricio Pochettino oo hore tababare ugu ahaan jiray Tottenham, muddo sannad laga joogana shaqada laga caydhiyey, kaddibna galay nasasho badan.

Macallinkan reer Argentina ayay Red Devils ku beddelaysaa tababare Ole Gunnar Solskjaer oo la filayo in shaqada laga caydhiyo, kaddib guul-darrooyin iyo bandhig niyad-jab ah oo uu ka keenay horyaalka Premier League oo kaalinta 15aad ay kaga jirto kooxdiisu iyo Champions League oo khasaarihihii ugu dambeeyey looga diiwaangeliyey.

Sida uu qoray wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester, masuuliyiinta Man United waxay xidhiidh la sameeyeen wakiillada Pochettino, xilli uu cadaadiskuna kusii kordhayo Solskjaer oo la sheegayo in kulanka ugu dambeeya ee uu hoggaamin doono Manchester United ay noqon doonto ciyaarta Everton ee Sabtida.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK ayaa warbixin uu ka diyaariyey Manchester United iyo sida ay noqon doonto kaddib Solskjaer, waxa uu sheegay in shaxda koowaad uu isbeddel badan ku samayn doono tababare Mauricio Pochettino oo uu keeni doono saddex ciyaartoy oo waxtar badan leh.

Xiddiga ugu muhiimsan ee warbixinta lagu sheegay inuu keeni doono Old Trafford, ayaa waxa uu yahay gool-dhaliyaha Tottenham ee Harry Kane oo 300 ciyaarood oo uu u saftay Spurs u dhaliyey 200 gool.

27 jirkan ayaa toddobadii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan waxa uu ku lug yeeshay 14 gool oo uu LIX dhaliyey SIDDEED kalena caawiye ka noqday.

Laacibkan ayaa haddii ay hesho Manchester United waxa uu xallin doonaa dhibaatada ka haysata afk ahore, iyadoo waliba uu bisha January ka tegayo Odion Ighalo oo dib ugu laabanaya Shanghai Shenhua oo uu amaah kaga yimid horraantii sannadkan.

Pochettino ayaa xidhiidh wanaagsan la leh Harry Kane, waxaana u sahlanaan doonta inuu keeno Old Trafford marka la barbar-dhigo fursadda uu tababare Solskjaer u haysto inuu la soo saxeexdo.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Pochettino uu saxeexa Kane isku dayi doono bisha January, taas oo inkasta oo ay adag tahay uu haddana dedaal dheeraad ah ka geli doono.

Waxa kale oo uu samayn doonaa laba saxeex oo kale oo markaaba uu safkiisa koowaad ka dhigi doono, waana laacibka reer Argentina ee Paulo Dybala oo hore loola xidhiidhinayay inuu imanayo Carrington, hase yeeshee uu Pochettino kasii shaqayn doono sidii ay suurtogal u noqon lahayd in 26 jirkani uu yimaaddo.

Difaaca reer Belgium ee Toby Alderweireld oo Tottenham ka tirsan ayaa noqon doona saxeexa saddexaad ee uu samayn doono Pochettino, waxaana 31 jirkan uu si sahlan ugu qancin karaa inuu Old Trafford yimaaddo.

Halkan kaaga bogo shaxda Manchester United ku ciyaari karto haddii Pochettino yimaaddo:

How do you rate this story?

0 votes