Shaxda Adag Ee Arsenal Ay Kula Ciyaari Doonto Villarreal Habeen Dambe

Mikel Arteta ayaa shax adag kusoo geli doona kulanka habeen dambe oo Khamiis ah ay kooxdiisu martigelin doonto Villarreal oo ay ku kala baxayaan semi-finalka Europa League.

Arsenal ayaa guul-darro 2-1 ah lasoo kulantay lugtii hore ee ay waddanka Spain kusoo ciyaarta, waxaanay u baahan yihiin inay guuleystaan marka ay Villarreal ku marti-geliyaan Emirates Stadium.

Alexandre Lacazette iyo Kieran Tierney ayaa dhaawacyo qaba, waxaase laacibka reer France uu rajaynayaa in uu kulankan taam u noqon karo saacadaha kooban ee ka hadhay.

Mikel Arteta ayaa go’aan ka gaadhi doona safka uu lasoo shir-tegayo, waxaana uu horeba usii tibaaxay in David Luiz uu shaki ku jiro in uu ciyaari doono kulankan.

Waxa jirta baqdin ah in Luiz oo 34 jir ah uu seegi doono inta ka hadhay xilli ciyaareedka, isla markaana uu xagaaga ka tegi doono Arsenal, mar dambena aanu u ciyaari doonin.

Arteta ayaa waxa uu kulankan kusoo bilaabi doonaa weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo kasoo laabtay xanuunka Malaria oo uu toddobaadyo u jiifay, waxa kale oo diyaar ah Gabriel Martenelli oo buuxin doona booskii Alexandre Lacazette, laakiin ka ciyaari doona garabka bidix oo uu hore u tegi jiray Aubameyang marka uu Lacazette joogo.

Waxa kale oo dhinaca midig ee weerarka tegi doona da’yarka Saka, halka khadka dhexena ay kusoo wada bilaaban karaan Martin Odegaard oo kasoo hormaraya Smith Rowe, Mohamed Elneney iyo Thomas Partey.

Difaaca oo ay su’aali ka taagan tahay sida uu Arteta u xulanayo, ayaa waxa la saadaalinayaa in Gabriel Magalhaes iyo Rob Holding ay kusoo wada bilowdaan, sidoo kalena uu Granit Xhaka difaaca bidix kasii ciyaaro illaa inta uu soo kabanayo Tierney, halka difaaca midigna uu Chambers kasoo hormari doono Hector Bellerin.

Shaxda la saadaalinayo in Arsenal kula ciyaari doonto Villarreal:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More