Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Chelsea vs Rennes, Barcelona

Frank Lampard ayaa shax adag kusoo bilaabay ciyaarta ay kooxdiisa Chelsea garoonka Stamford Bridge ku martigelinayso Rennes, waxaana uu la shir yimid xiddigihii guusha u keenay kulankii ugu dambeeyey ee ay 3-0 ku garaaceen naadiga Burnley.

Kai Havertz oo ahaa xiddigii guusha u horseeday kulanka Burnley ee khadka dhexe sida adag uga shaqeeyey ayaa gebi ahaanba aan lagu soo darin ciyaartoyda Chelsea ee kulankan waxaanu ka daawanayaa gurigiisa, waxaana booskiisa taagan Jorginho oo beddelay.

N’Golo Kante ayaa mar kale lama-taabtaan u ah, halka Ziyech oo wacdaro dhigay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey uu ka mid yahay xiddigaha uu kalsoonida buuxda siiyey Lampard ee ciyaarta kusoo bilowday.

Mason Mount ayaa dhexda ka taageeraya labada weeraryahan ee Timo Werner iyo Tammy Abraham, halka uu ruug-caddaaga reer Brazil ee Thiago Silva difaaca dhexe la wadaagayo Kurt Zouma.

Shaxda rasmiga ah ee kulanka Chelsea vs Rennes:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More