Sharciga Jurgen Klopp U Diiday Inuusan Ciyaartoy Kale U Soo Iibin

0

Liverpool lama soo wareegi karo ciyaartoy kale xagaagan ilaa iyo inay kooxda ka tagaan qaar ka mid ah ciyaartoyda aan u dhalanin ama ku barbaarin England (non-homegrown) ee kooxda ka tirsan.

Jurgen Klopp ayaa gacmaha ka xirxiran ka dib markii uu RB Leipzig kala soo wareegay daafaca Ibrahima Konate xagaagan.

Saxiixaas oo lagu darray soo laabashada xiddiga reer Japan Takumi Minamino oo amaah ku joogay Southampton ayaa dhameystiray liiska ciyaartoyda ajnabiga ah (non-homegrown) ee loo ogol yahay kooxaha Premier League.

Xadidaada tirada ciyaartoyda ajnabiga ah waxaa soo rogay maamulka Premier League iyo xiriirka kubada cagta Yurub si fursad loo siiyo xiddigaha yaryar ee ka soo baxaya wadamada Yurub.

17 xiddig oo ajnabi ah ayaa haatan ka tirsan kooxda Liverpool taasoo ka horjoogsaneysa inay saxiixyo kale dhameystiraan xagaagan.

Madaama uu yahay xiddig u dhashay Wales, iibka Harry Wilson oo ku biiray Fulham boos uma baneyn doonto Jurgen Klopp.

Si kastaba, Liverpool; ayaa lagu waramayaa inay ka shaqeyneyso iska iibinta Xherdan Shaqiri taasoo oo u ogolaan doonta inay la soo wareegaan xiddig cusub oo ajnabi ah.

Divock Origi ayaa isna ah ciyaaryahan kale oo ka tagi kara kooxda ka dib markii uu kursiga keydka ku qaatay inta badan waqtigiisii Anfield.

Inter Milan ayaa lagu waramayaa inay xiiseyneyso weeraryahanka reer Belgium.

Haddii midkood ama labadooda ay baxaan, waxay Liverpool isku xoojin kartaa Saul Niguez oo loo arka bedelka Gigi Wijnaldum.

Franck Kessie ayaa sidoo kale mid ah mushaharaxiinta bedelka xiddiga haatan jooga PSG.

Liverpool ayaa sidoo kale isku diyaarineysa inay heshiis 77 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga Juventus Federico Chiesa.

Waa Maxay Ciyaaryahanadda Homegrown & non-homegrown?

Ciyaaryahanadda loo yaqaano Homegrown, waa ciyaartoy u diiwaangashanaa koox Ingariis ah ama Wales ah muddo seddex xilli ciyaareed ah ka hor inta uusan 21 sanno jir noqonin.

Non-Homegrown, waa ciyaartoyda ka yimid dalal kale iyagoo aan England ku qaadanin seddex xilli ciyaareed ka hor dhalashadooda 21aad.

Ciyaaryahanadda da’dooda ka yar tahay 21 jirada kuma jiraan sharciga xadidaada, iyadoo koox walba ay la soo wareegi karto tiro aan xadidneyn oo xiddigo da’ yar ah.

Tirada guud ee koox walba oo Premier League ah laga doonayo waa 25 ciyaartoyda oo 17 ka mid ah ay noqonayaa non-homegrown oo ah ciyaartoy ajnabi ah ku barbaarin England ama Wales.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More