Shan Xiddig Oo Manchester United Ka Tagi Kara 24 Saacadood

Shaqada suuqa kala iibsiga ee Manchester United weli ma aysan dhamaanin iyadoo tiro ciyaaryahano ah ay ka tagi doonaan 24ka saacadood ee soo socda.

- Advertisement -

Suuqa kala iibsiga gudaha UK ayaa xirmaya berri oo Jimce ah taasoo u ogolaaneysa kooxaha Premier League inay ganacsi la sameeyaan kooxaha heerka hoose ee Ingariiska.

Waxaa weli jira dhowr ciyaaryahan oo Red Devils ah oo lala xiriirinayo inay baxaan.

Goolhaye Sergio Romero oo 33 sanno jir ah oo cadeeyay muhiimadiisa kulamadii uu saftay Europa League gaar ahaan ka dib qaladaadkii uu sameeyay David de Gea ayaa ka tagaya kooxda.

Madaama goolhaye Dean Henderson uu ka soo laabtay amaahdii Sheffield United, goolhaye Romero ayaa noqday goolhayaha 3aad isagoo xitaa laga reebay liiska xiddigaha Champions League ee Man United.

Red Devils ayaa ka hor istaagtay maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga Yurub inuu ku biiro Everton iyagoo ku xujeeyay 10 milyan ginni, laakiin wuxuu haatan codsaday in la fasaxo si uu ugu wareego horyaalka Mareykanka.

Phil Jones ayaa isna sidoo kale halis ugu jira in la fasaxo ka hor inta uusan xirmin suuqa maxaliga ah berri ka dib markii isna laga reebay liiska Champions League ee Man United.

Daafaca kale Marcos Rojo oo 30 sanno jir ah ayaa isna laga reebay liiska xiddigaha Man United u matalaya tartanka Champions League

Mustaqbalka Jesse Lingard ayaa isna weli uu shaki ku jiraa ka dib markii uu si jahwareer ah ku bilowday xilli ciyaareedka.

27 jirkaan ayaa kaliya labo kulan u saftay Man United iyadoo labada kulanba ay ahaayeen Carabo Cup, waxaana xagaagan lala xiriirinayay Tottenham iyo Zenit.

Ugu danbeyn Timothy Fosu-Mensah ayaa isna ku jira liiska xiddigaha la dirayo.

Xiddiga reer Holland oo 22 sanno jir ah ayaa la filayay inuu Roma u raaco Smalling laakiin ma aysan suurtogelin.