Sevilla vs Real Madrid, Cadiz vs Barcelona – Shaqada Zidane

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay kasoo kabato labadii guuldarro ee is xigay ee soo gaadhay marka ay maanta booqanayso Andalusia oo ay Sevilla ugu tagayaan.

Kooxda tababare Zinadine Zidane oo hadda booska afraad kaga jirta kala sarreynta horyaalka ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay guuldarrooyin kala soo kulantay kooxaha Alaves iyo Shakhtar Donestk.

Dhinaca kale Sevilla oo uu hoggaaminayo Julien Lopetegui ayaa kulankan niyad aan fiicnayn ku galaysa kaddib markii ay kulankii ugu dambeeyay guuldarro 4-0 ah kala soo kulantay Chelsea.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Lopetegui ayaa isbedel ku samayn doona shaxdii uu kaga hortagay Chelsea iyadoo la filayo inuu kaliya afar kamida xiddigihii kulankaas kusoo bilawday markale kusoo bilaabi doono.

Goolhaye Vaclik ayay tahay inuu kasoo kabto dhaawaciisa jilibka ah si uu uga soo muuqdo ciyaarta balse Sevilla ayay ka maqnaan doonaan Sergio Escudero, Acuna iyo Suso.

Dhinaca Real Madrid, Eden Hazard iyo Federico Valverde ayay hubaal tahay inay maqnaan doonaan, si lamid ah Sergio Ramos iyo Dani Carvajal.

Zidane ayaa la filayaa inuu isbedel samayn doono isagoo kusoo bilaabaya Casemiro keydkana dhigaya Odegaard, Vinicius ayaa soo laaban kara waxaana keydka ku noqon kara Rodrygo Goes.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Sevilla: Vaclik; Navas, Kounde, Carlos, Rekik; Jordan, Fernando, Rakitic; Ocampos, De Jong, El Haddadi

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Varane, Nacho, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Vinicius, Benzema, Asensio

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Ramon Sanchez Pizjuan

Wakhtiga: 6:15 fiidnimo xilliga geeska Africa

Cadiz vs Barcelona

Barcelona ayaa isku dayi doonta inay guul kale ka gaadho Cadiz caawa, kooxda tababare Ronald Koeman oo qaab gaabis ah ku bilaabatay horyaalka ayaa booska toddobaad ku joogta 14 dhibcood kaddib 9 kulan oo ay soo ciyaartay.

In Cadiz ay dardar cajiib ah ku socoto ayay muujinaysaa inay 11 kulan kasoo heleen 15 dhibcood iyagoo booska lixaad jooga isla markaana hal dhibic iyo hal boos ka gacan sarreeya Barcelona.

Wararka Kulankan Ee Labada Kooxood

Cadiz ayaa rajaynaysa inay kulankan shaxdeeda dib ugu soo dhawayn doonto weeraryahanka khibrada badan ee Alvaro Negredo oo dhaawac kaga maqnaa dhawaanahan.

Barcelona ayay ka maqnaan doonaan Samuel Umtiti, Gerard Pique, Ronald Araujo, Sergi Roberto iyo Ansu Fati iyadoo kooxdu si gaar ah uga dhiban safka daafaca ee dambe.

Oscar Mingueza ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe lamaane kula sii ahaan doono Clement Lenglet iyadoo uu Sergino Dest booska daafaca midig kusoo bilaabanayo.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Cadiz: Ledesma; Carcelen, Mauro, Fali, Espino; Garrido, Alex, Jonsson; Perea, Negredo, Sanchez

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Mingueza, Lenglet, Alba; De Jong, Busquets; Dembele, Messi, Coutinho; Griezmann

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Ramos De Carranza

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More