Seddexda Kulan Ee Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos

2

Sergio Ramos ayaa seegi doona seddexda kulan ee soo socota ee ay ciyaareyso Real Madrid, labo kulan oo horyaalka La Liga ah iyo kulanka Champions League ee ay booqanayaan kooxda Inter Milan.

Baaritaan lagu sameeyay kabtanka Los Blancos ayaa lagi ogaaday inuu dhaawac ka qabo muruqa lugta midig iyadoo dhaawaca uu ka soo gaaray kulankii ay Spain 6-0 ku xasuuqeen xulka Jarmalka.

34 jirkaan ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado inta u dhaxeysa 10 maalmood ilaa labo isbuuc.

Daafaca Madrid ayaa ahaa mid jilicsan xilli ciyaareedkan, iyadoo xaaladooda ay sii xumaan doonto haddii ay waayaan hogaamiyahooda.

Sabtida waxay Los Blancos u safreysa bariga Spain iyagoo marti u noqonaya kooxda adag ee Villarreal. Ka dib waxay u safrayaan Italy iyagoo wajahaya Inter Milan 25ka bishaan November, waxay seddex maalmood ka dib martigelin doonaan kooxda Alaves ka hor inta aysan 1da December kulan kale oo Champions League ah la dheelin kooxda Shakhtar Donetsk.

Waa dhaawacii seddexaad ee sannadkan soo gaara Ramos. Bishii Janaayo wuxuu maqnaa muddo afar kulan ah ka dib dhaawac ka soo gaaray canqowga, halka bishii la soo dhaafay uu dhaawac jilibka ah ku seegay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Shakhtar Donetsk.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More