Seddex Xiddig Oo Ay Liverpool La Soo Wareegi Karto Ilaa 16ka

Inkastoo Liverpool ay ka aamusneyd suuqa kala iibsiga shalay oo uu soo xirmay hadana si fiican ayay uga soo adeegteen suuqa xagaagan.

- Advertisement 1 -

Liverpool waxay soo iibsaday daafaca bidix Kostas Tsimikas waxa ay sidoo kale ku soo dareen Thiago Alcantara iyo Diogo Jota.

Waxaa su’aalo ka taagan tahay ka dib dhaawacii soo gaaray goolhaye Alisson in Liverpool ay u baahan tahay goolhaye cusub madaama aysan ku tashan karin Adrian oo todoba gool laga dhaliyay kulankii Aston Villa.

Si kastaba Klopp ayaa ku faraxsan ciyaartoyda uu heysto iyadoo suuqa kala iibsiga Yurub uu soo xirmay shalay oo aheyd 5ta bisha October.

Si kastaba, xiriirka horyaalada hoose ee Ingariiska ayaa codsaday in suuqa kala iibsiga maxaliga uu sii furnaado iyadoo gudaha Ingariiska uu suuqa furan yahay 5ta bisha October ilaa 16ka bisha October.

Klopp ayaana laga yaabaa inuu ka soo adeegto kooxaha heerka labaad ee Ingariiska iyadoo haatan la hadal hayo seddex xiddig oo ay Liverpool la soo wareegi karto ka hor 16ka October.

David Brooks

Xiddiga khadka dhexe ee Wales ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Premier League ka dib markii uu heerka labaad kula laabtay Bournemouth xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

23 jirkaan waxaa sidoo kale doonaya kooxaha Manchester United, Sheffield United iyo Leicester City. Laakiin booska uu ka ciyaaro ee kubadsameeyaha ama garabka midig ee weerarka waa meelo ay Liverpool ciyaartoy badan u heysato.

Ismaila Sarr

Waqti aan sii fogeyn waxaa soo baxayay in Liverpool laga aqbalay dalabkii ay ka gudbisay Sarr islamarkaana ay heshiis shaqsi ah la gaareen ciyaaryahanka.

Ma cadda haddii heshiiska uu sidaas ugu dhawaaday in la dhameystiro laakiin waxaa hubaal aheyd in Reds ay xiiseyneysay weeraryahanka.

22 jirkaan ayaa ah xiddig mustaqbal leh oo dabooli kara weeraryahanada afka hore inkastoo imaanshaha Jota uu bedelay qorshihii Klopp madaama Ismaila Sarr uusan qiimo jaban aheyn.

Todd Cantwell

Waa kubadsameeye kale oo ay u muuqato inuusan sii joogi doonin horyaalka heerka labaad. Waa xiddig hibo sarre leh kuna haboon inuu ka ciyaaro Premier League bedelkii uu u sii ciyaari lahaa Norwich oo heerka labaad u dhacday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More