Sawiradii La Sugayay Ee Xiddiga Cusub Ee Arsenal Oo Soo

Advertisements

Thomas Partey ayaa ugu danbeyn soo gaaray magaalada London isagoo ciyaaryahan Arsenal ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Ghana ayaa u saxiixay Arsenal maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga xagaaga ka dib markii ay Arsenal bixiso 50 milyan euro oo lagu burburiyay qandaraaskiisii Atletico Madrid.

Waxa uu saaka oo Talaado aheyd soo gaaray xarunta kooxda Gunners ee London Colney iyadoo laga qaaday sawiradii ugu horeysay ee isagoo xiran maaliyada Gunners.

Advertisements

Xiddigaan ayaa maaliyada No.18 u xirtay kooxda Arsenal, wuxuuna haatan tababarka la bilaabi doonaa kooxda tababare Mikel Arteta.

Wuxuu banaanka kore ee xarunta London Colney sawir kula galay tababare Mikel Arteta iyo agaasimaha farsamada Edu, halka sidoo kale sawiro looga qaaday calanka dalkiisa ee Ghana.

Partey ayaa ka soo laabtay xulka qarankiisa oo uu isbuucaan u soo ciyaaray isagoo haatan isku diyaarinaya kulankiisii ugu horeysay ee Premier League.

Daawo Sawirada:

Advertisements

La Wadaag Asxaabtaada:WhatsAppEmailTweet Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan Cancel reply

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.

Halkaan Hoose Ku Qor Fekerkaaga

Magaca *