Safka Arsenal ee Crystal Palace

Mikel Arteta ayaa war fiican ka helay xaalada seddex xiddig oo muhiim ah ka hor kulanka habeenka khamiista ee Premier League ee Crystal Palace.

Gunners ayaa rajeyneysa inay dib ugu soo ceshato Gabriel Magalhaes, Thomas Partey iyo Gabriel Martinelli garoonka Emirates.

Palace ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu dambeysay ee ay wada ciyaaraan labada koox laakiin kooxda Mikel Arteta ayaa ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan.

Arsenal ayaa badisay afar kulan oo xiriir ah waxayna ilaashatay seddex kulan oo isku xigta tan iyo markii ay garaacday Newcastle FA Cup.

Pablo Mari ayaa ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid ah kulamadii ugu dambeeyay laakiin waxa uu wajahayaa dib u dhac marka Gabriel Magalhaes uu ku soo laabto taam ahaanshihiisa.

Daafaca reer Brazil ayaa ku soo laaban kara shaxdiisa kadib markii uu ka soo kabsaday Korona Fayras.

Khadka dhexe, Thomas Partey ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah.

Arteta ayaa la filayaa inuu go`aan dambe ka gaaro laacibka reer Ghana maadaama uu ciyaaray kaliya hal kulan tan iyo 8-dii November.

Dani Ceballos iyo Mohamed Elneny ayaa khadka dhexe kula tartami doona Granit Xhaka hadii Partey aan lagu soo darin.

Emile Smith Rowe ayaa kasii mid ahaan doona kooxda maadama uu wacdaro ka dhigay kooxda isagoo guul ku hogaamiyay Newcastle Sabtidii.

Bukayo Saka iyo Alexandre Lacazette ayaa sidoo kale qaab ciyaareed fiican ku jira, Arteta ayaana loo badinayaa inuu la wadaagi doono Pierre-Emerick Aubameyang.

ARSENAL POSSIBLE TABLE PALACE PALACE:

(4-2-3-1): Leno, Tierney, Gabriel, Holdinh, Bellerin; Xhaka, Partey; Aubameyang, Smith Rowe, Bukayo Saka; Lacazette

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More