#Sadio Mané ayaa ku faraxsan Liverpool lakiin waxa uu sheegay in xiriirka Real Madrid uu yahay “Mid Mala awaal ah”

785,579

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa bartilmaameed u ah Ral Madrid sida ay soo warinayaan warbaahinta qaar, balse xiddigaan reer Africa wuxuu bixiyay jawaab ay ku qanceen jamaahiirta Reds ee ka walwalsanaa inuu Anfield ka baxayo.

Sida warbaahinta qaar ay qorayaan Sadio Mane wuxuu ka mid yahay qorshaha uu Zidane dib ugu dhisayo kooxda ka dhisan caasimada, xilli xiddigaan uu hormar aan caadi aheyn fasalkaan ka sameeyay Premier Leauge, sidoo kalana wuxuu kooxdiisa ka saaciday iney gaarto final-ka Champions League.

“Mar walba tani waxey qeyb ka tahay kubadda cagta, sidaas darteed waa inaan la xaalno, aniga ahaan waxa iigu muhiimsanwaa Liverpool, waana ku faraxsanahay halkaan” ayuu yiri Sadio Mane.

“Mar walba farxad ayey ii tahay in koox nuucaas ah ay i daneyneyso, balse ha iloobin Liverpool waxey garaacday kooxo daaweyn”

“Waxaan isku diyaarinayaa mid ka mid ah kulamada ugu weyn ee kooxda, si la mid ah jamaahiirta iyo ciyaartoyda, sidaas darteed aan diirada saarno tan inaan ku guuleysano”

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More