Sababtii Uu Jurgen Klopp U Go’aansaday Inuusan La Soo

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa si buuxda u filanayay in Manchester United ay la saxiixan doonto xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho xagaagan.

- Advertisement 1 -

Wuxuu xitaa u sheegay saaxiibadiisa inuu aaminsan yahay in xiddiga Ingariiska uu imaan doono Old Trafford isagoo wax ku kordhin doona weerarka cusub ee Ole Gunnar Solskjaer, laakiin milkiilayaasha Man United ayaa ka seexday inay dhameystiraan saxiixa 20 jirkaan.

Sancho isna wuu doonayay inuu ku biiro Man United. Wuxuu ku riyaaqay waqtigiisa Borussia Dortmund laakiin wuxuu dareensan yahay in la joogo waqtigii uu ku laaban lahaa Premier League isagoo hore ugu soo ciyaaray Manchester City.

United ayaa bixin weysay lacagtii ay dooneysay Dortmund ee aheyd 108 milyan ginni, taasoo sababtay in heshiiska uu dhici waayo.

Bedelkiisa waxay si xor ah kula soo wareegeen Edinson Cavani laakiin bartilmaameedkooda 1aad wuxuu ahaa Sancho.

Sida ay sheegtay jariirada The Athletic, tababaraha Liverpool ayaa saaxiibadiisa kala sheegtay arinta Sancho. Wuxuu u sheegay in weeraryahanka uu u wareegayo United sidaasi darteedna aysan Liverpool isagu dayin saxiixiisa.

Taasna waxay ceeb weyn ku tahay qoyska iska leh Man United ee Glazers.

Maamulaha kooxda Woodward isaga wuxuu sameeyaa wixii loo sheego, madaama uu mushahar ka qaato qoyska iska leh kooxda, wuxuuna diidmo kala kulmay milkiilayaasha markii uu weydiistay inay bixiyaan lacagta Sancho.

Liverpool ayaa wadada u baneysay United si ay u helaan ciyaaryahanka. Inkastoo ay jeclaayeen Sancho hadana waxay ku fekerayeen inaysan fursad u heysanin madaama ay Red Devils kaga horeysay saxiixiisa.

Haatan Man United ayaa iska lumisay fursadaas, iyadoo Liverpool lagu waramayo inay dib u soo kicisay xiisaheeda xiddigaan iyagoo afka hore ka noqon doona tartanka loo galayo xagaaga danbe ama xitaa bisha Janaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More