Sababta rasmiga ah ee ganaaxa Manchester United

Manchester United ayaa joojisay ugaarsigii ay ku heysay Jadon Sancho waxayna bedelkeeda mudnaanta siineysaa qad dhexe iyo weeraryahan cusub, sida ay sheegayaan wararka.

- Advertisement 1 -

Sancho ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda Manchester United xagaagii lasoo dhaafay, laakiin Borussia Dortmund ayaa ku adkeysaneysa heshiis 108 milyan ginni ah, waxaana ay ku sii hayaan Bundesliga.

Warbixinadii Jarmalka horaantii bishaan waxay sheeganayeen in Dortmund ay haatan diyaar u tahay inay hoos u dhigto qiimaha Sancho ee ay ku dalbaneyso gin 88 milyan.

Laakiin sida laga soo xigtay The Athletic, United ayaa soo afjartay xiisihii ay u qabtay Jadon Sancho iyadoo u weecisay labo ciyaaryahan kale ka hor Sancho.

Sida laga soo xigtay wargayska United ayaan si Rasmi ah u lumin tartanka 20 jirkan laakiin waxa ay marka hore doonayaan in ay la soo saxiixdaan khadka dhexe iyo weeraryahan.

Waxay sidoo kale sheegeen in horumarka Greenwood ay ugu wacan tahay United oo qaboojisay xiisihii ay u qabtay Sancho.

United ayaa u muuqata inay raacday talobixintii ugu dambeysay ee halyeeyga Paul Scholes, taasoo ku talinaysay kooxda inay lasoo saxiixato qadka dhexe iyo weeraryahan cusub ka hor inta aysan qaadan daafac midig.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More