Sababta Rasmiga Ah Ee Ay Bayern Munich & PSG U Diideen Inay Ku Biiraan

Mid ka mid ah waxyaabaha la isweydiinayay habeenkii Axada markii lagu dhawaaqay tartanka cusub ee European Super Lague ayaa aheyd inaysan ku jirin kooxo ka dhisan France ama Germany.

Kooxaha sida Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich qeyb kama aheyn 12ka kooxood ee ilaa iyo haatan la shaaciyay inay yihiin kuwii aas-aasay tartanka cusub ee Super League, iyadoo labadaan kooxood ay gabi ahaanba iska diideen inay qeyb ka noqdaan tartanka kooxaha waa weyn.

Sababta ay PSG isaga diiday inay qeyb uga noqoto Super League waa mid siyaasadeysan. Kooxda waxaa iska leh shirkada Qatar Sports Investments, waxaana maamula Nasser Al-Khelaifi.

Al-Khelaifi iyo shirkada dowlada Qatar ay leedahay ee QSI waxay xiriir xoogan la leeyihiin UEFA iyo FIFA. TV-gooda BeIN Sports waxa uu heystaa xuquuqda baahinta Champions League halka dalka Qatar uu martigelin doono Koobka Adduunka ee 2022.

UEFA iyo FIFA waxay soo bandhigeen sida ay uga soo horjeedaan tartanka cusub ee Super League iyadoo Al-Khelaifi uu xiriir fiican la leeyahay madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin.

Waxaa jira warar xan ah oo sheegaya in Al-Khelaifi uu noqon doono madaxweynaha xiga ee ururka kooxaha Yurub ee European Clubs Association (ECA) ka dib markii uu madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli iska casilay jagadaas si uu ugu biiro Super League.

Wargeyska Faransiiska ee L’Equipe ayaa bogooda hore ku soo bandhigay farqiga u dhaxeeya kooxaha France iyo Germany iyo Yurub inteeda kale iyagoo cinwaan ka dhigay “Dagaalkii taajiriinta”.

Jarmalka xaaladooda waa ay ka duwan tahay tan PSG. Kooxaha Jarmalka waxaa maamula taageerayaashooda sidaasi darteed suurtogal uma ahan inay ku biiraan Super League madaama taageerayaasha neceb yihiin fekrada Super League.

Madaxa Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa iyo Bayern Munich inay iska diideen dalabkii loogu soo bandhigay inay ku biiraan Super League. Wuxuu sheegayse inay doonayaan in taas bedelkeeda dib u habeyn lagu sameeyo Champions League.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More